Xukuumada wayaanaha ayaa utabar iyo taag la’ kacdoonka shacabka ee sida xowliga ah uga socda gudaha iyo dibada wadanka Itoobiya waxayna kacoonadu gaadheen in ay kooxda TPLF aad ugu jiha wareerto arimaha siyaasada wadanka oo god madow kusii socda.

Kooxda qowlaysatada ah ee TPLF oo dadaal dheer ugu jirta in ay si uun u xaliso kacdoonada ayaa isku dayay in ay xoog iyo xeelba u isticmaalaan kacdoon wadayaasha waxaana muuqata in ay kooxdu darbiga soo taabatay kadib markay ku fashilmeen isku day kasta oo ay sameeyaan.

Hadaba kooxda TPLF oo isticmaalaysa kaarkii ugu dambeeyay ayaa Gobolka Axmaarada u magacaabay sargaal u dhashay qoomiyada Tigree kaas oo ay kooxdu filayso in uu gacan bir ah kuqaban doono shacabka kacdoonka mudada dheer kawaday Gobolkaas.

Maxamad Isha waa General ku dhashay Dagmada Adwa ee Gobolka Tigrey waana nin ay qaraabo yihiin aadna isugu dhawyihiin abaan duulaha ciidamada wayaanaha General Samora Yonis wuxuuna General Maxamad caan ku yahay qalaf sanaan iyo in uu shacabka ciqaabo.

Hadaba magacaabida General Maxamad Isha ee Gobolka Axmaarada ayaan soo kordhinaynin wax faa’iido ah waxa kaliya ee arinkaas laga filayana waa nacayb iyo colaad siisiyaada.

Sikastaba ha ahaatee arinta kooxda TPLF ayaa ah geela wadhaf malagu dayay waxayna kooxdu u muuqataa nin ul waayay qori qaad.

 

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay