Xalay oo taariikhdu ay ahayd 4-11-2016 waxaa shir aad loo soo agaasimay lagu Qabtay Magaalada Uitenhage. Shirka oo Xafiiska Jaaliyada Soomaalida Ogadenia Ee Koonfur Africa (JOKA) Faraceeda Port Elizabeth Soo agasimeen Shir Weyne Shacab  si aay uga faa ideystaan Umada Soomaaliyeed iyo Soomaalida Ogadeniya ee ku dhaqan gobolka Eastern Cape.

Shirkani oo furmey abarihii 7:00Pm ayaa Waxaa ka soo qeyb galay Soomaali aad u farabadan oo ka kala yimid Xaafadaha Soomalidu ay ka dagantahay Gobolka Sida Korsten, Summer, strand iyo qaar ka yimid East London.

Shirkani waxaa marti ku ahaa Laba Masuul oo Gudida Fulinta Jabhada wadaniga Xoraynta ogadenia JWXO Kamid ah oo Ka kala yimid wadamada  Australia & Denmark. Labadan Masuul ee JWXO oo howlo shaqo u joogey wadanka Koonfur Africa ayaa shacab weynihii shirka kasoo qayb galay si diiran uguso dhaweeyen goobta uu shirku ka furmay.

Shirka ayaa waxaa furay Gudoomiya Jaliyada Soomaalida Ogadenia Ee Faraca Port Elizabeth Mudane cabdullahi Qabdiid waxaana lagu furay aayado Qur’aan ah Iyo Wacdi Diini ah oo uu soo jeediyey sheikh cabdisamad. Kadib waxa la guda galey u jeedka shirka oo ah in warbixin waafi ah laga siiyo Bulsha weynta Soomaliyeed iyo bulshada Soomaalida Ogadenia Xaalada cakiran ee Gumaysiga Itoobiya Iyo Mida Ogadenia, Halganka Halka uu marayo maanta iyadoo Itoobiya ay ku jirto xaalad kala guur ah.

Gudoonka Faraca ayaa kuso Dhaweeyey Masul Kamid ah Masulinta Shirka Martida ku aha Mudane Hassan Moalim Oo ah Hoganka Warfaafinta JWXO. Mudane Hassan ayaan Warbixin meelo badan taabaneysa oo Bulshada shirka aad ugu riyaaqeen siiyey isagoo ku saleeyay marxalada kala guurka ah ee ay Itoobiya maanta ku jirto iyo Halganka xornima u dirirka ah ee Soomaalida Ogadenia ee ay JWXO hormuudka u tahay halka uu gaadhay.

Waxaa kale uu warbixin waafi ah  ka bixiyey mudane Hassan xisbiga ay ku midoobeen Shacabka lagumeysto ee ku hoos nool Kaligii taliska TPLF/EPRDF Oo Magacisa la yidhaahdo   “People’s Alliance For Freedom and Democracy’s(PAFD)”.

Mudane Hassan oo faah faahiyey ujeedka Mideynta Qowmiyadaha Itoobiya ku  hoos dulmani ay tahay maadama Itoobiya ay JWXO Kaga adkaatey dalka gudihiisa iyo Dibadaba Waxay keentey in aay  Shacabka Dulman ee reer Ogadenia u dex gashey Walaalahooda Soomaaliyeed si ay iskaga horkeenaan Marka intaay Soomaaliya ino Daba martey baan inaguna u daba marney Oromadii Iyo Qawmiyadihii kale ee ku hoos dulmana kuna dhiiri galiney inaan inagu garab taaganahay had iyo jeer.

Waxaa sidoo kale lagusoo Dhaweeyay Gudoomiye Ku Xigeenka JWXO Mudane Dr Maxamed Ismaaciil cumar oo isaguna warbixin meelo badan taabaneysa ka haqabtirey Bulshadii shirka iskugu timid waxaa kale oo uu aad uga hadley gudoomiyuhu sida ay Soomaalidu ku Midoobi lahayd.

Intaa kadib waxaa la furay Su’aalo Iyo Jawaabo oo Qof waliba sida uu doono labada Masuul u su’aalayeen halka aay Jawaabo Wax ku ool ah mas’uuliyiintu ka bixiyeen oo dadki aad ugu riyaaqeen. Waxaa kaloo talooyin dhaxalgal ah ka dhiibtay Xubnaha iyo Shacabkaba oo si wanagsan oo ururnimo iyo masuuliyad lexjeclo leh uga talo bixiyeen sida halganka tayadiisa kor loogu sii qaadi lahaa iyo si Itoobiya loo sii tikhaantikhin lahaa.

Shirka ayaa lagusoo gunaanadey Duco uu halkaas ka soo jeediyay Masuul Golaha dhexe Kamid ah Sheikh Hamdi.

 

dsc07106 dsc07107 dsc07108 dsc07109 dsc07111 dsc07112 dsc07113 dsc07115 dsc07116 dsc07117 dsc07119 dsc07120 dsc07121 dsc07123 dsc07125 dsc07126 dsc07131 dsc07132 dsc07138 dsc07146 dsc07148 dsc07115 dsc07118 dsc07119 dsc07143 dsc07152

ONA/South Africa

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay