Kufsiga ay dagaal-yahanka iska soo horjeeda u gaystaan dumarka ayaa loo aqoonsaday inay ka mid tahay dambiyada dagaal ee ka dhanka ah xuquuqda aadanaha.

Waqtiga dagaalka kufsiga waxay ciidamada u adeegsadaa sababaha soo socda dartood;

  • In abaalmarin looga dhigo ciidanka
  • Kala dambayn (discipline) ciidan oon jirin.
  • Iyo hab ku-talagal ah oo la doonayo in lagu niyad jabiyo dagaalyahanka.

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay (UN) wuxuu u aqoonsaday kufsiga inuu ka mid yahay taaktiik dagaal oo amniga caalamka khatar ku ah. Sidaa darteed wuxuu Golaha Amniga isla qiray in haweenka iyo gabdhaha yaryar ay yihiin kuwa lagu bartilmaansado kufsiga taasoo ah taaktiik dagaal oo loogu talagalay in lagu cabsi galiyo, bahdalo ama lagu barakiciyo shacab meel dagan.

Kufsiga ma’aha dambi caalamka ku cusub, waxaana ku qoran diiwaanada taariikhda inay ahayd arin soo jireen ah. Hasa ahaatee shacuubta muslimka dhexdooda ama dagaalada ay la galaan qawmiyadaha kale waligeed kama dhicin intii ka horeysay qarnigan dambe (marka laga reebo adoonsiga oo caalamka ka ahayd caadi). Marwalbana waxaa loo arkayay inay tahay arin bani’aadminada ka baxsan oo waxash-nima ah isla markaana ka soo horjeeda qawaaniinta iyo sharciga. Dhacdooyinka la xasuusan karo qarnigii tagay waxaa ka mid ah qafaalashadii Japan-ka ay ku kaxaysan jireen gabdhaha Korea say u naagaystaan ciidamadooda dagaalka ku jira. Sidoo kale waxaynu ogayn qarnigii tagay wixii ka dhacay Bosnia ee maleesiyaadka Serb-ga ay u gaysteen dumarkii muslimiinta iyo kuwii Croat-ka. 

Kufsiga inkastoo ay dhamaan dawladaha caalamka saxiixeen inuu yahay dambi qofkii ku dhaqaaqa ay tahay in lagu ciqaabo, hadana dawlada badan oy Itobiya ugu horeyso ayaan sharciga ku dhaqmin oon ogolayn in la baadho dhibaatada ay ciidamadooda u gaystaan dumarka.

Qawaaniinta dawliga ah ee kufisga ku saabsan wuxuu ku dhex jiraa afar mucaahado (protocol) oo kala ah;

  • Cahdigii Geneva ee 1949.
  • Protokoolkii lagu kordhiyay 1977dii cahdigii Geneva.
  • Qodabadii loo cuskaday dambiilayaasha Dagaalkii 2aad ee Aduunka maxkamadii Nuremberg.
  • Iyo Maxkamadda Askarta (Military Tribunal) ee Bariga Fog 

Cahdiga Geneva ee 4aad qodobkiisa 27aad wuxuu si cad u qeexayaa dumarka sharaftooda in aan meel looga dhicin oo la badbaadiyo xiliga dagaalka. Gaar ahaan Kufsi iyo in lagu qasbo sharmooteysi ama hab kaloo wax u dhimaya sharaftooda in aan loo gaysanin. Waxaana lagu daray Kufsiga inuu ka mid yahay dambiyada meel kaga dhaca Sharfta qofka, oo aanu ahayn oo kali ah Dambi dagaal (..Further, rape was referred to as a crime against honor or dignity, not a crime of violence.)

Hadaan hoos ugu daadagno dhibaatada gumaysiga Itobiya gaar ahaan xukunka Wayaanaha ee KT Meles hogaaminayo u gaysteen dumarkeena, waxaa lagu tilmaami karaa inay tahay jariimadii qarnigan oo aan horey uga dhicin dalal badan oo Afrikaan ah, waana sababaha ay Itobiya awoodeedii oo idil isugu gaysay inay saxaafadda caalamka ka horjoogsato inay galaan Ogadenya oy ka soo xogwaramaan dambiyada ay Itobiya ka gashay shacabka Ogadenya gaar ahaan dumarka.

Waxayna dambiyada kufsiga lagula koco dumarka Ogadenya sii laban laabmeen intuu gumaysiga u dhiibay maamulka Jigjiga mujrimka Cabdi Iley isagoo ugu muujiyay gumaysiga Itobiya inuu u qalmo jagadan dhibaatada uu u gaystay shacabka gaar ahaan dumarka uu wada garanayo ee la dhashayay ee xabsiyada ay ku kufsanayaan ciidamada Itobiya.

Sidaan ku maqalnay wareysiyada dhalinyaradii ka soo baxsatay maleesiyada uu gumaysiga abaabulay een u naqaano Hawaarinta, waxay inoo sheegeen in amarka la siin jiray uu ahaa gabadhaad aragtaan kufsada, qofkaad rabtaana toogta, taasoo abaal marain lagu siin jiray. Wuxuu noo sheegay gaar ahaan wiilka la yidhhahdo Shaafi Xuseen Cali in gabadhaha ay ku baryootami jireen walaalow na mehersada intaad sharcidarro nagu kufsan lahaydeen.

Dhibkan ay ka sheekeeyeen wiilasha ka soo tawbad keenay Hawaarinta oon Ilaahay uga baryayno inuu ka aqbalo tawbada, waa mid ula kac ah waan amar ka yimid meesha ugu sareysa maamul ku sheega Itobiya. Ujeedada ay Wayaanaha ka leeyihiina marka laga yimaado kuwa caadiga ah een horey u soo tilmaanay, wuxuu ahaa in shacabka Somalida Ogadenya laga dhaadhiciyo inay dhibaato badan oo akhlaaq xumo iyo naxariisdarra ah isu gaysanayaan (sidii ka dhacday Somaliya), hadaanay Itobiya ku kala dhex jirin.

Si kastaba ha ahaatee, Gumaysiga Wayaanaha kuma guulaysan waxaan ka ahayn akhlaaq xumadaa uu dadka shacabka ah kula dhaqmay taasoo muujinaysa fulaynimada ciidankiisa iyo inuu mooraal ahaan u jabay maamulka Wayaanaha.   

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay