Maanta oo Jumce ahayd taariikhduna ay kubeegnayd 11/11/16 waxaa xerada qoxootiga Dhagaxlay ee deegaanka Dhadhaab ka qabsoomay kulan qur’aan akhris iyo kala warqaadasho isugu jiray.

Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Culimada Soomaalida Ogadenia UCSO Fariciisa Dhagaxlay waxaa kasoo qayb galay gudiga culimada iyo xubnaha ururka culimada wuxuuna furmay abaare 10:00 Subaxnimo xiliga Dhadhaab.

Ugu horaynba kulanka ayaa lagu furay aayado ka mid ah qur’aanka kariimka ah waxaana kulanka si rasmi ah ufuray gudoomiyaha Ururka Culimada Soomaalida Ogadenia UCSO Halgame Sheekh Cabdiraxmaan wuxuuna ugu horaynba sheekhu si waafi ah uga war bixiyay shaqooyinka uqabsoomay ururka culimada iyo waxa ladoonayo in ay qabtaan.

Intaas kadib waxaa siwada jir ah kulanka loogu akhriyay qur’aan aad ubadan oo looqaybiyay faracyada ururka ee kahowlgala bariga Africa.

Guntii iyo gunaanadkii kulanka ayaa kusoo dhamaaday duco iyadoo culimadu ay shacabka dulman ee Soomaalida Ogadenia ugu duceeyeen in uu Allaah ka dulqaado gumaysiga ku habsaday.

ONA Dhadhaab.

img_3954 img_3955 img_3956 img_3957 img_3958 img_3959

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay