Sida laga soo xigtay la taliyaha gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan ka hortaga xasuuqa, Adama Dieng, ayaa shaaca ka qaaday in ay jirto khatar ah in dagaallada qowmiyadaha ku salaysan ee dalka Koonfurta Sudan ay horseedi karaan xasuuq ka dhan ah bulshada rayidka ah ee dalkaasi.

 Dagaallada sokeeye oo muddo hadda laga joogo ku dhawaad 3-sano dalka ka socday, ayaa waxaa inta badan uu ahaa mid u dhexeeya qowmiyadaha dalkaasi ku wada nool. Adama Dieng ayaa dhawaan booqasho ku tegay dalka Koonfurta Sudan, waxaana muuqata in uu ka walaacsan yahay wixii uu halkaa kusoo arkay.
 Masuulkan Qaramada Midoobay ka tirsan ayaa weriyeyaasha ku sugan magaalada Jubba ugu sheegay in ay jiraan dilal iyo kufsi qabiil salka ku haya, qoysas badan oo nafta looga jaray baangado, iyo tuulooyin dhan oo dab la qabadsiiyay.

Waxa kale oo uu intaas raaciyay in wadahadaladii nabadu ay hakad galeen, xaaladda bani’aadannimo ee dalkaasi ka taagan, dhaqaale xumida iyo hubka kusoo qulqulaya dalkaasi, ay dhammaantood muujinayaan in dagaalka Koonfurta Sudan uu kasii darri doono mustaqbalka.

Mr. Dieng ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga hortago xasuuq ka dhici kara dalkaasi dhawaan madax bannaanida qaatay oo sanadihii lasoo dhaafay at colaad qabiili ah hadhaysay.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay