Wararka naga soo gaadhaya magaalada Maqale ee xarunta Gobolka Tigrey ayaa sheegaya in shirkii albaabadu u xidhnaayeen ee ayaamahan usocday ururka talada wadanka xooga kuhaysta ee TPLF uu kusoo dhamaaday natiijo la’aan lagana soo saaray hadalo naf dheeraysi ah.

Sida warku sheegayo ninka xukuumada wayaanaha uqaabilsan dhinaca amaanka ayaa sheegay in uu siidayn doono xubno aad ubadan oo katirsanaa ururka TPLF oo xabsiyada kujiray arimo laxidhiidha kala qayb sanaanta xisbiga dhexdiisa ah.

Taliyaha amaanka ee Itoobiya oo hadalka qurxinayay ayaa sheegay in xubnahan ay horaan ugaleen dambiyo musuq maasuq ah loona baahan yahay in xoriyadooda lasiiyo si kala qaybsanaanta xisbiga wax looga qabto.

Sida aan lawada soconayba shirkii kan kahoreeyay ee ururka TPLF ayaa laga soo saaray go’aan lagu sheegay in dib loosoo howl galiyo ciidamadii howlgabka ahaa ee udhashay qoomiyada Tigrey iyo waliba kuwa jaamacadaha iyo ganacsiga kujirta.

Talaabadan oo ay kooxdu kudhaqaaqday ayaa kacdoonka kooxda lagaga soo horjeedo iyo kala qaybsanaanta xisbiga dhexdiisa waxba kaqaban wayday waxayna xaaladu noqotay mid kasii darta marba marka kasii dambaysa.

Go’aanka uu sida shakhsiga ah u gaadhay taliyaha amniga ee Itoobiya waxaa kasoo horjeedsaday xubno magac kuleh xisbiga dhexdiisa waxayna kabiya diideen in lasiidaayo dad ay kusheegeen in ay dambiyo galeen.

Arimahan ayaa lagu sheegay in ay xaaladaha uga siidari doonaan waxaana meel xun gaadhay kala qayb sanaantii iyo isdabro gayntii ururka TPLF.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay