Jaaliyada Soomaalida Ogaadeeniya ee magaalad Garisa oo kamid ah jaliyadaha Ogaadeeniya kuwa oogu faca weyn oo dhalinyaro badan oo maanta gudaha iyo dibadaba ka shaqaysa ay soo mareeen ayaa shir isugu yimid ay kaga wada hadleen arimaha jaaliyadda.

Shirka uu yesshay maamulka jaaliyada ee maanta ka dhacay Gaarisa ayay xubnaha jaaliyada kaga hadleen kor u qaadida wacyigalinta xubnaha iyo siday u dabooli lahaayeen hawlaha balaadhan ee Jaaliyada u yaala iyadoo mas’uuliyiinta jaaliyadda Gaarisa. Gudoomiyaha Jaaliyada Mudane Cabdirisiid Geelqaad ayaa xubnaha warbixin ka siiyey marxalada uu marayo halganka Ogaadenya ka socoda iyo dagaaladii oogu danbeeyey ee CWXO ay la galeen kuwa Wayaanaha. Wuxuu yidhi mudane Cabdiriisd; “Halgankeenu mel fiican ayuu marayaa ciidanka Xoreynta Ogaadeeniya guul la taaban karo ayey ka gaadheen dagaalka ay kula jiraan kuwa dhulkeena ku soo duuley, waxaana la inooga baahanyahay in aan garab istaagno halgankeena oo aan qabano wax walba oo suuro gal ah”

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ku guubaabiyey xubnaha jaaliyada in ay dardargaliyaan shaqooyinkooda caadiga ah kana qayeb qaataan habsami u socodka shaqooyinka jaaliyada u yaala. Wuxuuna intaas ku direy mudane Geelqaad in ay ku fashilmeen magaalada Gaarisa kuwii isku dayey in ay wax yeelo u gayestaan shacabkeena ku soo qaxay gobolka W/bari Kenya iyo xeryaha qoxootiga Dhadhaab. Wuxuu gudoomiyaha oga mahadceliyey cidkasta oo garab istaagta shacabka Ogaadeeniya ee dhiban oy oogu horeeyaan Odayaasha Gaarisa oo iyagu ahaa kuwii hor istaagey kooxdii loo soo dirsaday in ay hawlahaas fuliyaan.

Xubnaha iyo mas’uuliyiinta shirka ka qayeb galay ayaa isla qirey in guulo la taaban karo ay ka gaadheen dabadhilifyadii ay wayaanuhu soo qaldeen isla markaana ay sii wadi doonaan hawsha balaadhan ee jaaliyadda hortaala iyadoo dhamaan lagu balamay in waajibaadka la wada gudan doono.

Gabogabadii iyo warbixinadii shirka ka dib waxaa lagu soo gunaanaday suugaan halgameed iyadoo dhalinyarada Ogaadeeniya meel walba ooy isugu yimaadaan aan laga waayin Abwaano da’yar. Waxaa shirkan suugaan halgameed ka tiriyey Abwaan Cabdinaasir Maxamed Ibraahin oo suugaantiisa ku cabirey dareenka dhalinyarada Ogaadeeniya ee halganka wada iyo kuwa qoriga ku dagaalamaya iyo kuwa qalinka ku dagaalamaya taasoo uu sheegay inay tahay laba halgan oo loo wada baahnyahay.

ONA Gaarisa

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay