Sida ay shaacisay Hay’adda Twaweza East Africa, qiyaastii 70% shacabka Kenya ayaa doonaya in ciidamada dalkooda laga soo saaro dalka Soomaaliya, sida lagu ogaaday ra’yi ururin cusub.

53% kamid ah dadkaas wax laga waydiiyay mawduucan ayaa doonaya in ciidamada lagu daad gureeyo xuduudda, halka 9% ay doonayaan in ciidamada ay dalkooda kusoo laabtaan, haddii Midowga Afrika uu heli karo ciidamo beddela. 8% dadka Kenya ayaa raba in ciidamadooda ay kusoo laabtaan dalka, haddii la helo kuwo beddela iyo hadii kaleba.

Warbixinta ayaa lagu ogaaday in kaliya 2% dadka Kenya ay aaminsan yihiin in ciidamada oo laga soo saaro Soomaaliya ay yareyn doonto xagjirnimada ka dhex jirta bulshooyinka laga tirada badan yahay.

Ra’yi uruurinta ayaa sidoo kale lagu ogaaday in 80% dadka Kenya ay aaminsan yihiin in kooxda Al-Shabaab ay weli halis ku tahay ammaanka dalka Kenya. 80% dadka Kenya ayaa sidoo kale taageersan go’aanka ay dowladda ku xidhayso xerada qaxootiga ee Dhadhaab.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay