Ugu yaraan 9 qof ayaa ku geeriyoodey todoba qof oo kalena way ku dhaawacmeen, kadib markii Bas kuwa rakaabka ah oo laga leeyahay dalka Pakistan uu gaadhay xadka Kishmir, waxaana la aaminsan yahay in ciidamada ilaalada xadka Hindiya ay rasaas ku fureen baska.

 Baska oo laga leeyahay dalka Pakistan ayaa xadka gaarey kadib markii Hindiya ay sheegtey maalmo ka hor in xadka lagu diley saddex askeri oo ay dileen ciidamada Pakistan. Xidhiidhka labada dal ee Nukliyeerka haysta ayaa sii xumaanayey muddooyinkii danbe, waxaana kor u kacay rabshadaha ka dhacaayey xadka.

Baska dadka badan lagu diley ayaa la sheegayaa in uu ahaa nooca rakaabka dadka rayidka ah, sida uu sheegay afhayeen u hadley Kishmir-Pakistan. Waxaa adag in ay goobtaas gaaraan gar-gaarka deg-dega ah. Kishmiir ayaa u qaybsan laba qaybood oo ay kala maamulaan Hindiya iyo Pakistan tan iyo sanadkii 1947.

 

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay