Kooxda TPLF ee mashaqada siyaasadeed la daalaa dhacaysa ayaa lasheegayaa in ay fashil kala kulmayso isku day kasta oo ay kudoonayaan in ay cimrigooda kusii dheereeyaan waxaana fashil ku dhamaada dhaaan talaabooyinka ay qaadayaan,

xog rasmi ah oo ay heshay Wakaalada Wararka Ogadenia ONA ayaa muujinaya in uu fashil ku dhamaaday shir ay kooxdu doonaysay in ay kuqabato magaalada Ginji oo Gobolka Shucuubta Koon fureed katirsan,

shirkan ayaa lasheegayaa in ay kooxdu uga dan lahayd in ay ku khaldaan bulshada ku dhaqan magaalada Ginji halkaas oo kamid ah meelaha ay kooxdu islahayd aad ayaa la idiinka taageeraa isla markaana bulshada ree Ginji wax culays ah kala kulmi maysaan,

kadib markay kooxdu ku dhawaaqday in ay shirka yimaadaan bulshada qaybaheeda kala duwan waxaa diida cad kala hortagay waxgaradka iyo aqoonyahanka ree Ginji oo sheegay in aysan aqbali karin in lagu aftirto ama loosheego wax dhalan teed ah oo 25 tiisano ee ugu dambaysay loosheegayay,

Sikastaba ha ahaatee kooxda TPLF ayaa ku hongowday isku daygoodii ay doonayeen in ay ku kala qaybiyaan shacabka walaalaha ah ee daga shucuubta koonfureed

taliska wayaanaha ayaa laga dareemayaa niyad jab aad uwayn kadib markuu bulshadii uu gumaysan jiray kawaayay cid usoo istaagta ama dhag jalaq usuusa,

ONA,

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay