Qormadani waa qormo-xusuuseed aan ka soo min-guuriyay kaydka faraha badan ee ku xafidan maskaxdayda, oo laga dhex-heli karo dhacdooyin kala duwan oo dareenno kala duwan xanbaarsan. Kuwo farxad xambaarsan, kuwo murugo huwan, kuwo xanuun wata, kuwo caafimaad leh, kuwo naxdin horseeda iyo kuwo naruuro ku bishaareeya. Waa sunnada nolosha, waana mid ku salaysan hadal-murtiyeedkii Soomaaliyeed ee ahaa “Waagii baryaaba waayihiisuu leeyahay”.

Sidee baa Itoobiya loo arkayay?

Gumaysatada Itoobiya waxay wdammada reer galbeedku xilligaas (2006) u aqoonsanaayeen dowlad dimuqraadi ah oo lala dhaqmi karo, isla markaana isku wadi karta danaha reer galbeedka iyo kuwa shacabkeeda. Kaligii taliye Meles Zenawi wuxuu wadammada reer galbeedka ka dhaadhiciyay inuu yahay nin is-beddal ku samaynaya (reformer) habka loo maamulo wadammada Afrika.

Maraykanka, oo dantiisa ugu wayn ay ahayd inuu helo dowlado ka caawiya siyaasaddiisa argagixiso la-dagaallanka ah, ayaa Meles u aqoonsaday inuu yahay “nooc cusub oo hoggaamiye Afrikaan ah, oo reer galbeedku ay la tacaamuli karaan.” (…as a new kind of African leader who the West could do business with.) Ra’iisal wasaarihii hore ee UK Tony Blair wuxuu isaguna Meles Zenawi ula dhacsanaa sidaas si ka sii daran, wuxuuna u dhiibtay xilka ah inuu arrimaha Afrika wakiil uga ahaado(..appointing him to his Africa Commission).

Marka ay wadammada reer galbeedku Itoobiya sidan u ammaanayaan macnaheedu ma aha inayna ogayn inay tahay dowlad ku dhisan cudud millatari iyo cabudhis oon waxba ka ogayn dimuqraadiyad iyo xuquuqul insaan midna. Xaqiiqada ka jirta Itoobiya oo dhan si fiican ayay ula socdaan. Waxay ogyihiin xadgudubyada aadamnimada ka dhanka ah ee xukuumadda Itoobiya sida joogtada ah u galayso, hase yeeshee waa dhaqan ay wadammada reer galbeedku leeyihiin inay suu-suubi ka soo saaraan masuulka dunida saddexaad ahee ay markaas danta ku wataan, sidaas darteed bay Meles iyo maamulkiisa u buun-buuniyeen, iyagoo si fiican u ogsoon dambiyada uu maamulkiisu galayo.

Meeqaanka aan jirin ee reer galbeedku u abuureen, waxay Itoobiya ku heshay taageerooyin badan oo dhinac walba ah. Waxay heshay taageero siyaasadeed oo hagar la’aan ah, mid dhaqaale iyo mid akhlaaqeed intaba. Waxaa Itoobiya la gaadhsiiyay heer iyada lagala tashado siyaasadaha iyo go’aamada waawayn ee Afrika ku saabsan. Taskiyada ama ammaanta aan xaqa ahayn ee reer galbeedku ka bixiyeen, waxay Itoobiya ku kasbatay kalsooonida wadammo badan oo dunida saddexaad ka mid ah, gaar ahaan boqortooyooyinka maal-qabeenka ah ee Gacanka Carabta, sida Sucuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta iyo Kuwayt, oo dhaqaale badan Itoobiya ku kabay, maalgashina ku sameeyay.

Indha-sarracaadka noocan ah ee dunida loo sameeyay, si meeqaanka Itoobiya kor loogu qaado, waxaa ka dhashay in la arki waayo siyaasadda kali-talisnimada ah ee xukuumadda gumaysiga iyo dambiyada ay sida joogtada ah uga galayso dadyowga ay gumaysato, oo Soomaalida Ogaadeenya ugu horrayso.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay