Wararka naga soo gaadhaya dhulka Oromia ayaa sheegaya in ay halkeedii kasii socoto xidh xidhkii ardayda jaamacadaha ee Gobolka Oromada.

Maalin nimadii daraato ayay ahayd markay ciidanka wayaanuhu xabsiyada ka buuxiyeen arday aad ubadan oo wax kabaranaysay Jaamacada Ambo halkaas oo qalalaase uu wali kasii taagan yahay.

Kooxda TPLF ayaa ardayda jaamacadaha ku eedaysay in ay qorshaynayaan dilal qorshaysan oo loogaysto dadka maamulada kujira iyo ciidanka gumaysiga waxayna ardayda ku eedeeyeen in ay abaabulaan banaan baxyada wadanka kasocda,

labo bari kahor ayay ahayd markay isku day dil kabadbaadeen Madaxa xisbi kusheega OPDO ee Dagmada Ambo iyo madaxa Jaamacada Ambo waxayna wayaanuhu dilkaas ku eedeeyeen ardayda Jaamacada Ambo.

Ardayda jaamacadaha Gobolka Oromia iyo dhalinta Oromada ayaa go’aansaday in ay shacabka Oromia ka dulqaadaan gumaysiga qoomiyada Tigreega ee mudada dheer dulsaaran shacabkooda,

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay