15204223_1739806619371188_1139860990_oUrurada Bulshada Soomalida Ogaden ee ka howlgala caalamka ayaa si toosa uga qeyb galay shirweynaha Qaramada midoobay ee looga hadlo dadyowga xuquuqdooda la duudsiyo.

Muuqaalada illaa hada ka muuqda dhageysigan, waxaa banaan kursigii taliska Ethiopia ay ku laheyd fadhigaas. Taliska Ethiopia oo fadhiyada noocan oo kale ah dhaqaale kaga codsan jiray Qaramada midoobay iyaga oo sheegan jiray in dalka Ethiopia ay ku noolyihiin qowmiyado laga tiro badan yahay oo ay dhaqaale ku qaadan jireen. Kuwaas oo sanadihii danbe lagu eedeyay in qowmiyadahaas ay dhulkii ay lahaayeen ay ka bara kiciyeen.

Sidoo kale waxaa cadaadis badan saaray Ururada Bulshada ee soomalida Ogaden oo Qaramada midoobay ku dacweeyay in Xuquuqda Soomalida ee Dhulka Ogaden in taliska Ethiopia duudsiyay uu ka yeelay shacabka Ogaden wax xabsi ku jira iyo wax uu dilay.

Kulankan waxaa Ururada Bulshada Soomalida Ogaden uga hadli doonaan Xuquuqda haweenka Soomalida, Midaas oo gumeysiga Ethiopia xad gudubyo badan u gaystay, waxaana Qaramada midobay lagu adkeyn doona sidii baadhitaano loo sameyn lahaa tacadiyada gumeysiga Ethiopia u geysto haweenka Soomaliyeed.  kuwaas oo ka kooban kufsi, jidh dil iyo bah dil midaas oo gumeysiga Ethiopia u adeegsadaan qaab daggaal.

Sidoo kale waxaa Qarmada midoobay loo sheegay inaysan waxba ka qaban sida arxan darada ah ee gumeysiga Ethiopia u cadaadiso shacabka soomalida Ogaden.

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay