Masuul sare oo ka tirsanaa illaalada safaaradda Isku-taga Imaaraadka Carabta (UAE) ee Soomaaliya ayaa shalay lagu diley qarax la gula beegsaday gaadhi uu watay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Degmada Shibis Axmed Muumin Maxamed oo saxaafada waraysi siiyay ayaa xaqiijiyay in gaadhiga uu watay masuulkan dhintay oo noociisu ahaa kaarib uu kula qarxay isagoo marayay isgoyska loo yaqaano Maana-Boolyo ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha waxa uu sheegay iney rumeysan yihiin in qaraxa lagu diley masuulkan loogu soo xidhay gaadhigiisa kaasoo meel fog laga maamulayay. Masuulkan dhintay ayaa la sheegay in dhaawac ahaan looga qaaday goobta qaraxu ka dhacay markii hore hase ahaatee uu ugu geeriyooday dhaawacii soo gaadhay.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa gaadhay goobta uu qaraxu ka dhacay iyaga oo baadhitaano ka sameyay goobtaas. Majiraan cid sheegatay inay ka dambaysay qaraxa lala beegsaday Masuulkan ka tirsanaa Safaarada UAE ee magaalada Muqdisho.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay