Sanadihii lasoo dhaafay waxaa soo badanayay fadeexadaha, iyo waji-gabaxa joogtada ah ee lasoo darista wakiilada kooxda Woyaanaha uga qayb gala munaasabadaha caalamiga ah ee beesha caalamku isku timaado sida kulamada Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha kala duwan ee Xuquuqqul Insaanka u dooda.

Taliska Woyaanaha ayaa goob kasta oo goobaha la isugu yimaado caalamka kala kulma ceebo iyo fadeexado aad u naafeeyay sumcadooda. Waxaana intaas dheer fadeexada nidaam xumada maamul ee TPLF oo loo arko had iyo jeer mid aan dowladnimo kamuuqan, balse loo arko mid Jabhadeyn ku dheehantahay.

Ururada iyo Hay’adaha caalamiga ah ee daneeya arimaha ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ayaa fagaare kasta oo taliska Woyaanuhu uu isku dayo in uu beentiisii raqiiska ahayd ku mashquuliyo beesha caalamka ku fashiliya taasoo ku qasabtay wakiil kasta oo Woyaane ah in uu maxfalada dawliga ah fadeexad iyo waji-gabax aan lasoo koobi karin kala kulmo iyadoo u horseeda in wafti kasta oo Itoobiyaan ah ay door bidaan in ay kulamada caalamiga ah dibada uga baxaan kadib markay u adkaysan waayaan cambaaraynta iyo culayska badan ee wufuuda kala duwan kaga imanaysa.

Dhinaca kale ururrada bulshada ee Soomaalida Ogadenya oo wacad ku maray in aysan ka baaqanin munaasabad kasta oo lagaga hadlayo xuquuqda aadanaha ayaa caqabad balaadhan ku noqotay taliska Woyaanaha oo u haysta fagaareyaasha beesha caalamku ku kulanto inay lamid yihiin xeryihii ciqaabta iyo cabudhinta shacabka ee ay Ogadenya iyo meelo kale oo wadanka kamid ah ay Woyaanuhu ka samaysteen.

Siyaasiyiinta iyo khubarada qaadaadhiga siyaasadaha cadaadiska iyo adoonsiga ku salaysan sida mida Woyaanaha oo kale ayaa ku fasiray fadeexadahan iyo fashilka isdaba joogga ah ee lasoo darsay taliska Woyaanaha in ay ifi-faalo wanaagsan u tahay burburka iyo kala yaaca lasaadaalinayo ee siyaasada kooxda TPLF ay manta cagta saartay.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay