Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Axmaarada ee woqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya dagaalo isdaba joog ah oo ciidanka gumaysiga Itoobiya loogu gaystay khasaare lixaad leh.

Sida warka aan kuhelay ciidanka wayaanaha iyo cidanka Ginbot 7 ayaa isku fara saaray woqooyiga gobolka Axmaarada waxaana lasheegayaa in ay ciidanka gumaysigu kacaageen dhulka ay dagaaladu kasocdaan.

Maalinnimadii shalay ahayd oo kaliya ayaa lasheegayaa in ay dhaceen 5 dagaal oo midba mid kale kacuslaa kuwaas oo lasheegayo in dhamaan lagaga gol roonaaday ciidamada wayaanaha oo aad uniyad jabsan isla markaana aan diyaar u ahayn in ay galaan wax dagaal ah.

Dagaaladan ayaa mudo dheer socda ka dibna waxaa  la hareerayay  taliyihii cidanka Ginbot 7 Shalaqa Mesfin Dagabu oo ahaa  taliye sare oo caan ka ahaa gobolka Axmaarada . Wararku waxay intaas ku dareen in u isagu istoogtay intii ay ciidamada Woyanah ee naxariista darani gacanta ku dhigi lahaayeen.

Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa utaag iyo tabar waayay dagaalo badan oo dadka shacabka ah ee kacdoon wadayaasha ah iyo jabhadaha hubaysan ay kuhayaan kuwaas oo kaga furan goobo badan.

Dhinaca kale ciidanka wayaanaha ayaa ka niyad jabay daryeel la’aan iyo mushaar la’aan taas oo ay udheer tahay hogaan xumo dhinaca ciidamada ah iyadoo saraakiishii ciidamadu ay wadanka iskaga baxeen qaarna shaqo joojin sameeyeen.

Sidoo kale ciidamadii wayaanaha ee kusugnaa wadanka soomaaliya ayaa lasoo celiyay kadib markay diideen in ay galaan wax dagaal ah niyad jab badana ay muujiyeen arintaas oo taliska wayaanaha kukeentay khal khal si dag dag ahna uu usoo saaray.

ONA.

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay