Shirkii Bilaha Ahaa Ee Jaaliyada JOKA oo Pretoria Kaqabsoomay.
Maanta oo ay Taariikhdu Tahay 25 -11-2016 Waxaa Xafiiska Jaaliyada Soomaalida Ogaadeeniya Ee Koonfur Africa Qeebteda ee Pretoria Ka Furmey Shirkii Xubanaha ee Bilaha ahaa Saacadu Markay ahayd abaare 2:00 duhur nimo.
Shirkan ayaa ahaa Shirkii Ugu Horeyey Ee Gudida Cusub ee Jaaliyadu ay qabtaan waxaana kulanka soo xaadiray xubnaha Jaaliyada Pretoria
Ugu horaynba kulanka waxaa furey gudoomiya Jaaliyada JOKA Mudane Maxamed Daahir kadibna waxa uu kusoo dhaweyey Hoganka Diinta Iyo Dacwada Jaaliyada JOKA Sheikh Abuu Hamza wuxuuna sheekhu soo jeediyey wacdi dheer isagoo xubnaha xasuusiyay xaqnimada halganka Ogadenia kasocda.
Sisoo kale Waxaa kulanka ka hadley Hoganka Abaabulka Iyo Arimaha Bulshada Mudane Yussuf Islaam wuxuuna hogaanku xubnaha ku abaabulay sidii looqaban lahaa howlaha horyaala jaaliyada.
waxaa goobta qorsho shaqooyinkoodii ka soo jeediyay xubnaha gudiga fulinta kuwaas oo ku nuux nuuxsaday sida ay lagama maarmaanka u tahay kor u qaadka abaabulka iyo wacyigalinta bulshada soomaalida ogaadeenya iyo bulshada soomaaliwayn.
waxaa gabagabadii shirka lagu soo xidhay gabay qiiman badan oo uu tiriye Abwaan Khadar Colaad oo baraarujinta shacabka qayb libaax ka qaata.
ONA/SA
Comments are closed
Sorry, but you cannot leave a comment for this post.