Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in diyaaraddo helicopters ah oo loo malaynayo in uu Maraykanku leeyahay ay ku qaadeen saldhig kooxda al-Shabaab ay ku leedahay goob dhinaca waqooyi kaga beegan degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelada Hoose.

Wararka ay heshay ONA ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal xooggan. Inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin Karin khasaaraha dhabta ah ee weerarkan ka dhashay, ayaa dhinaca kale warar ay sheegayaan in dagaalkaasi al-Shabaab looga dilay in ku dhow 7-askari.

Dhinaca kale, kolonyo ciidamada AMISOM kamid ah oo ka yimid degmada Baraawe ayaa weerar gaadmo ah lagu qaaday meel u dhow deegaanka loo yaqaano Golweyn. Wararka ayaa sheegaya in baabuur AMISOM ah ay miino la kacday, islamarkaana uu jiro khasaare soo gaadhay ciidamada AMISOM.

Dhinaca al-Shabaab-na, goobjoogayaal ayaa sheegaya in 3 ka tirsan maleeshiyada al-Shabaab lagu dilay halkaasi. AMISOM ayaan wax war ah ka soo saarin weerarkan ka dhacay Golweyn.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay