Akhristaha sharafta mudanow waxaan jeclahay inaan marka hore Furka ka gooyo Tuubo xamdinaq Eebe ah sababkoo ah waa mid uu inaga mutaystay Maalin iyo Habeemba. Waxaan leeyahay, Ilaahay baa ku mahadsan inuu dadka Gaal iyo Muslim u qaybiyay oo uu inagu daray muslimiinta.

Ilaahay baa ku mahadsan inuu soomaalida Ogadenya u qeybiyay gobanimo udirire iyo dhuuni qaate inaguna daray gobanimodoonka. ilaahay baa ku mahadsan inuuna inagu darin inta woyaane dabajeex uu ka dhigtay Gaadiidka uu ku guuro, sidoo kale ilaahay baa ku mahadsan inuuna inagu darin kuwa ka amar qaata Cabdi Ilay ee uu Aakhiro iyo Aduumba seejiyay ee ku sugan gude iyo dibadba. Ugu dambayn ilaahay baa ku mahadsan inuu inaga dhigay umad soo jeedda oo hadh iyo habeemba u taagan inay xaqooda soo dhacsadaan dadkooda dulmana taageero u fidiyaan.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay