Waxaa si nabad ah kusoo dhamaaday kulan ay yeesheen Jaaliyada Ogadenia ee wadanka boqortooyada Sucuudiga gaar ahaan faraca kadhisan magaalada Riyad.

Shirkan oo ahaa shirkii caadiga ahaa ee faraca Riyad waxaad kasoo qayb galay inta badan xubnaha faraca Riyad oo ah faraca ugu wayn jaaliyada Ogadenia ee Sucuudiga.

Ugu horaynba waxaa kulanka lagu furay aayado kamid ah qur’aanka kariimka ah iyo wacdi diini ah waxaana soo jeediyay hogaanka diinta ee faraca mudane Sheekh Xassan Nuur wuxuuna sheekhu kudheeraaday fadliga jihaadka wuxuuna xusay xaqnimada halganka Ogadenia iyo sida loogu baahan yahay in lagarab istaago CJWXO iyo shacbiga dulman ee gumaysiga ladagaalamaya.

Sidoo kale waxaa kalmado dhaxal gal ah madasha kasoo jeediyay gudoomiye kuxigeenka Faraca mudane Axmad Shariif wuxuuna bulshada uga warbixiyay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee gudaha Ogadenia iyo dibadaba.

Sidoo kale waxaa khudbado madasha kasoo jeediyay hogaamada Dhaqaalaha iyo Arimaha bulshada waxayna hogaamadu bulshada ku dhiiri galiyeen in lalaban laabo howlaha halganka ee jaaliyada.

Gabagabadii waxaa kulanka kahadlay qaar kamid ah xubnihii faraca ee shirka fadhiyay waxaana si nabad ah kusoo dhamaaday shirkii jaaliyada Ogadenia ee Riyad.

ONA Riyad.

img_4128


img_4129

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay