Cidna kama daahsoona in umad gumaysi ku jirta ay la mid tahay umad ku jirta xabsi ah kuwa sida aadka ah loo ilaaliyo oo dusha ka furan. Xidhiidhka ka dhexeeya maxaabiista ku jirtaa xabsigaa iyo kuwa ilaaliya waa mid ku dhisan cadaawad iyo kala shaki joogta ah.

Gumysigu wuxuu ku dhex joogaa umadda uu gumaysto cabsida ay shacabka dalka iska leh ka cabsanayaan ciidamadiisa iyo kuwa u adeegaya, isagoo marwalba dareensiiya in noloshooda iyo joogitaankiisa ay isku xidhan yihiin. Wuxuu ogsoonyahay gumaysiga in dilka iyo cadaadiska xad dhaafka ah ee ciidamadiisa ay ku hayaan shacabka inay tahay sida kale ahee uu ku dhex joogi karo. Maalinta uu shacab la gumaysto go’aansado inuu gumaysiga ka xoroobo waa maalinta ay ku tala galayaan inay wajahayaan xaalad adadag oo aanay ka gudbi karin hadaanay la imaanin mintidnimo iyo isku-tashi. Gumaysiga wuxuu adeegsanayaa wax kasta oo qof nool lagu ciqaabi karo oo dilka uu u yahay midka ugu dhibka yar.

Si xanuunka iyo dhibaatada shacabka lagu hayo ay u saameyso qofkasta wuxuu adeegsadaa gumaysiga oo uu ku fuliyaa dhibaatada uu ku hayo shacabka qaar iyaga ka mid ah oo la garanayo oo hebelkii ina hebel ahaa ah. waliba falalka ugu xunxun ee bani-aadminimada ka baxsan waxaa gacmahooda ku fuliya kuwa dadka la dhashay ey wada garanayaan. Si marka la soo qaado dhibaatada gumaysiga loo yidhaahdo anagaa isku hayna dhibaatada. Mana ah mid ay iskood u maageen kuwan uu gumaysiga adeegsanayo ee waxay fulinayaan waajibaad la farayo inay kula dhaqmaan shacabka ilaa ay gaaraan heer ay bulshada nacalado oy isarkaan inay badbaadadooda kuba jirto joogitaanka gumaysiga.  

Waxyaabaha laga soo sheegayo maalmahan dalka ee muujinaya falalka cadawtinimada leh ee gumaysiga uu ku fulinayo maxaysatadii Cabdi ilay waxay muujinayaan inuu gaaray gumaysiga marxaladihii ugu dambayay ee gumaysiyada ay maraan  marka uu ka quusto guusha uuna ogaado in la fahmay xeeladihiisa ku dhisan kala qaybinta iyo kala xod-xodashada shacabka.

 Waxyaaba badan ayaa iskaashaday bilihii la soo dhaafay oo intaba ku riday niyad jab weyn gumaysiga iyo kuwii horey ula socday ama kuwii dhawaanahan isu dhiibay. Waxay filayeen kooxahaa is-biirsaday ee gumaysiga uu horboodayay in kharashka malaayiinta ahee ay galiyeen dacaayada iyo buunbuuninta waxay ugu magac dareen  –Nabad baa dhacday- inuu shacabka gude iyo dibadba ka horkeeni doono halganka gobanimadoon oo xubnaha ku soo hadha ONLF iyagoo meelaha taagan la soo qab-qaban doono. Shirqoolkaa oo xataa dad waaweyn oo culimo ah iyo qaar aqoon lehba lala kaashaday ayaa ku fashilmay gudaha iyo dibadaba. Arintaa waxaa intaan laba gaarin gumaysiga ay guuldaro ku noqotay kooxihii is-biirsaday ee u sacaba tumayay, kuwaasoo colaad laxaadleh u qaaday bulshada oo dambigii fashilkooda dusha ka saaray.

 Cadeymo badan oo qoraal iyo dhagaysiba leh oo laga hayo kooxihii ku bahoobay heshiis beenaadkii ayaa intaba muujinaya colaada ay u qaadeen bulshada markii ay ku diideen nabad beenaadee la rabay in loo magoogo, kuwaasoo hadda doonaya inay ka aargoostaan bulshada gaar ahaan eheladoodii ugu dhawaa ee diidey mashruucii ay gumaysiga la soo galeen. Qaar kuwaa ka mid ah ayaa doonaya inay shacabka kala dooransiiyaan inay is-dhiibaan oo la badbaadiyo ama ay halaganka taageeraan oo la gumaado. Waanan kashifi doonaa marka ay soo dhamaystirmaan baadhitaanada kuwa gumaysiga kula gorgortamay falalkaa shaydaanimada ah.        

Qofka yaqaana dhaqanka gumaysiga Itobiya umbaa garan kara heerka niyad-jabka ah ee gumaysiga uu gaaray. Taariikhda Itobiya hal wado umbay waligeed soo haysatay. Shacabkii doonaya inuu ka xoroorbo gumaysiga Itobiya ama cadaadiska xukuumada waa inay la yimaadaan adkaysi iyo mintidnimo. Sidaa umbay ku soo xoroobeen shacabka Ertreeya, qawmiyadda yar ee Tigreegana ay ku qabsadeen xukunka Addisababa.

Waan ka guulaysanaynaa Wayaanaha Inshaa Alaah.

 ONA.  

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay