Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Oromiya ayaa sheegaya dagaal culus oo ciidanka jabhada Xoraynta Oromiya ee OLF iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ku dhexmaray Gobolka Oromia.

Sida aan xogtan kuhelay dagaalka ayaa dhacay kadib markii ciidanka wayaanuhu ay Gobolka Carusi ka bilaabeen dhibaatooyin kala duwan oo ay u gaysanayeen shacabka ku dhaqan Gobolka Carusi. Ciidanka Jabhada Xoraynta Oromia OLF oo isutaagay difaaca shacabkooda ayaa lasheegayaa in ay weerar kuqaadeen saldhig ay ciidanka gumaysigu kulahaayeen magaalada Carusi.

Afhayeen u hadlay Jabhada OLF ayaa sheegay in ay ciidanka gumaysiga goobta kaga dileen 4 askari 1 askarina ay nolosha kuqabteen. Sidoo kale afhayeenka ayaa sheegay in ay qaateen hub iyo rasaas iyo waliba saanad ciidan oo fara badan.

Dhinaca kale ciidanka Gumaysiga ee kusugan magaalada Shashabane ayaa gurmad kuyimid magaalada Carusi si ay gacan usiiyaan ciidankii wayaanaha ee laga itaal roonaaday waxayna goobta kudileen 3 shacab ah oo beeralay ah.

Ciidanka wayaanaha ayaa dagaalada isdaba jooga ah ee kusocda kaqaaday argagax aad uwayn waxayna dagaalada ugu culus ka dhacaan wadanka Ogadenia iyo dhulka Axmaarada.

 

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay