Waxaa mar kale dib u dhac ku yimid xiliga Doorashada Madaxweynaha iyo Shirguddoonka Baarlamaanka Soomaaliya. Doorashada 2016 ayaa lagu wadey in ay dhacdo dhamaadkii bishii Agoosto, waxaana ay ka soo gudubtey sadex madal oo hore oo la qabtey.

Maalinta Arbacada ah waxaa mar 4aad dib u dhacdey in la doorto Madaxweynihii beddeli laha Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu ah musharax xafiiskana ku jooga isaga oo wakhtigiisi dhamaadey.

Madaxweynaha waxaa dooranaya Xildhibaanada Baarlamaanka ee labada Aqal. Ilaa hadda waxaa gacanta lagu hayaa oo la doortey 150 Xildhibaan oo Aqalka hoose ah oo tiradiisa guud tahay 275, iyo 43 Xildhibaan oo Aqalka Sare oo tiradiisa guud tahay 54.

Beesha Caalamka ayaa doonaya in doorashadu dhamaato ka hor xiliga fasaxa Ciida Christmas-ka taas oo ay ka hadhsan tahay saddex todobaad oo keliya, arrintaas oo muuqata mid aan surtagal ahayn marka la eego caqabadaha jira iyo guddiga xalinta khilaafaadka oo aan weli meel saarin ugu yaraan 10 kursi oo muran xooggan ka taagan yahay, isla amrkaana ay mugdi ku jirto qoondadii hawenku ku lahaayeen baarlamaanka.

Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Michael Keating ayaa qaba in haddii la soo doorto todobaadkan tiro buuxin karta kooramka Baarlamaanka la isugu keenayo Muqdisho oo ay u fariisanayaan doorashada shir-guddoonka, kadibna halkaas lagu helayo baarlamaan shaqeynaya, inta dhimana la soo diyaarinayo ka hor doorashada Madaxweynaha.

Qorshaha uu wado Ergayga Qaramada Midoobey ayaa la doonayaa in ugu yaraan ay dhacdo doorashada Shir-guddoonka ka hor inta aysan bilaaban fasaxa Beesha Caalamka ee doorashada taageeraya. Arrintan ayaa noqon karta mid saameyn ku yeelata Madaxweynaha la dooran doono, waxaana qorshahan si weyn uga soo horjeeda Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo weliba Madaxweynaha xilku ka dhamaadey.

Qorshe kale ayaa jira oo sheegaya in Xildhibaanadu ay ku sugnaadaan magaalooyinka lagu doortey, kadibna doorashada ay halkaas kaga qaybgalaan iyaga oo la isugu xirayo nidaam Online ah, taas oo wax looga qaban karo in madaxda hadda ee Federaalku ay saameyn weyn ku yeeshaan cadaadis ay saaraan Xildhibaanada, sidoo kale waxay tani horseedi karaa in uu baaqdo dhaqaale ka badan haddii Xildhibaanada loo daabulo Muqdisho, oo u baahan in dhaqaale badan ku baxo sugidda amnigooda, qorshahan waxaa dabada ka riixaya qaar kamid ah madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo weliba musharixiinta qaarkood.

Caqabadaha kale ee jira ayaa ah Xildhibaanada ka imaanaya Somaliland, kuwaas oo soo xulidoodu aysan weli bilaaban, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya in Xildhibaanadan la dedejiyo, iyada oo la aaminsan yahay in uu doonaayo in uu awood ku yeesho Xildhibaanada ka imaanaya Somaliland.

Beesha Caalamka ayaa dhanka kale ka wel-welsan sida ay shukaanta ugu qabatey Madaxtooyada Villa Somaaliya Xildhibaanadii lagu dooranayey Cadaado iyo Jowjar, oo si aad ah ay ugu soo baxeen Xildhibaano ku dhaw Madaxweyne Xasan Sheekh, kuraas xitaa loo qoondeeyey in haween keliya ku tartamaan ayaa waxaa ku soo baxay rag ka shaqeeya Madaxtooyada Soomaaliya.

Beesha Caalamka oo bixineysa dhaqaalaha Malaayiinta ah ee doorashada ayaa waxaa u yaala in ay wax ka qabtaan Xildhibanada Musuq-maasuqa ku soo baxay iyo hirgelinta doorashada ka hor xiliga fasaxa taas oo ku noqotey laf dhuun-gashey.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay