Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Shucuubta Koonfureed ee wadanka Itoobiya ayaa sheegaya dhibaatooyin kala duwan oo ciidanka gumaysiga Itoobiya ay ku hayaan qoomiyadaha laysku yidhaahdo shucuubta koonfureed ee Itoobiya.

Sida warka aan kuhelayno ciidanka wayaanaha ee caadaystay gumaadka shacabka ku hoos nool ayaa dhibaatooyin kala duwan ku haya dadka shacabka ah ee u dhashay qoomiyada Conso oo kamid ah qoomiyadaha sida wayn uga soo horjeeda kooxda TPLF.

Warka ayaa intaas kudaraya in ciidanka gumaysigu ay xabsiga dhigeen dad badan oo kamid ah shacabka qoomiyada Conso halka qaar kale oo badana ay ugaysteen jidh dil aad ubadan.

Sidoo kale ciidanka gumaysiga ayaa lasheegayaa in ay wadaan bara kicin badan oo ay kuhayaan qoomiyada Conso iyagoo dab qabad siiyay deegaano ay daganaayeen shacabka qoomiyada Conso.

Wax garadka iyo aqoonyahanka qoomiyada Conso ayaa sheegaya in dhibka lagu hayo qoomiyada uu kadambeeyo taliska guud ee wayaanaha waxayna wax garadku taliska usheegeen in uu shacabka gumaadka kadaayo xaqoodana uusiiyo.

Qoomiyada Conso ayaa kamid ah ilaa 7 qoomiyadood oo siwayn uga soo horjeeda xukuumada wayaanaha isla markaana doonaya in ay helaan xornimo taam ah oo ay gaadhsiiyaan shacabkooda.

Sikastaba ha ahaatee cadaadis iyo gumaad badan oo shacabka lagu hayo kadib waxaa sidoodii usii socda banaan baxyadii sacabka iyo nacaybkii ay shacabku muujinayeen.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay