Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in uu natiijo la’aan kusoo dhamaaday shir ay xukuumada wayaanuhu kuqabatay magaalada Addis Ababa.

Shirkan waxaa sida aan xogta kuhelay soo qaban qaabiyay kooxda TPLF waxayna uga gol lahaayeen in ay kaga tashadaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen kacdoonada aan damaynin ee lagaga soo horjeedo xukunka kooxda TPLF wuxuuna shirku kusoo dhamaaday is afgaranwaa balaadhan.

Ilo lagu kalsoon yahay oo magaalada Addis Ababa kusugan ayaa sheegaya in uu shirku kusoo dhamaaday is eedayn iyo adaa iilahaa iyo faro isku taag taag halkaas oo shirku uu ku dhamaaday is maan dhaaf soo kala dhex galay qaar kamid ah saraakiisha ugu saraysa kooxda.

Gabagabadii kulanka ayaa lasheegayaa in ay xukuumada wayaanuhu ku eedaysay kooxdii uqaabil sanayd baraha bulshada waxayna xukuumada wayaanuhu sheegtay in dowlada lagaga badiyay dacaayadaha dhinaca baraha bulshada.

Xubnaha ugu sareeya kooxda TPLF ayaa qiray in dagaalka lagu hayo xukuumadooda uu koow kayahay Internet ku halkaas oo baraha ay bulshadu isticmaasho lagu kasbaday bulsho aad ubadan. Sidoo kale kooxda TPLF ayaa cadaysay in ay ururada mucaaradku kaga horeeyaan dhinaca baraha bulshada halkaas oo ay sheegeen in mucaaradku uu kuguulaystay dagaalka dhinaca Media ha.

Sida intiinii warbaahinta lasoctayba aad dhagaysateen Raysal Wasaaraha Itoobiya ayaa mar uu lahadlayay dowladaha ree galbeedka codsaday in ay dowladiisa kacaawiyaan sidoo loo xidhi lahaa baraha bulshada kuwaas oo uu kusheegay kuwa dowladiisa duminaya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay