Waxaa weerar ka dhacay Jaamacada Ohio State University ee ku taal magaalada Columbus ku dhaawacmay ugu yaraan 10 qof.

Ninka weerarka qaadey magiciisa weli lama shaacin, warbaahinta Maraykanka oo soo xiganaya Booliska ayaa sheegay in ninka weerarka qaadey uu ahaa 18 sano jir Soomaali ah, kaas oo sharci deganaansho ku lahaa dalka Maraykanka. Wiilka weerarka geystey ayaa ardey ka ahaa jamacadda uu weerarka ku qaadey, waxaanse weli la ogeyn sababta weerarka ku xanbaartey.
Booliska ayaa magiciisa ku sheegay Cabdirisaaq Cali Cartan.

Wiilka weerarka fuliyey ayaa markii hore gaarigiisa dusha kala maray dad ku sugnaa nawaaxiga xarunta Jaamacada, kadibna Mindi ku weeraray dadkii halkaasi ku sugnaa sida ay sheegeen ardayda jaamacada dhigta.

Waxaa muddo saacado ah la xiray gebi ahaan xarunta Jaamacada, iyadoo ay ardayda hoosta kasoo xirteen qololkii ay ku jireen. Dadka dhaawaca soo gaaray ayaa la sheegay in intooda badan ay qabaan dhaawacyo mindi kasoo gaartay sida ay sheegeen saraakiisha amaanka.

 

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay