Sida at Wakaaladaha wararka caalamiga ah ay sheegayaan waxaa wali socda gurmad lagu baadi goobayo dadkii saarnaa diyaarad ka timid dalka Brazil oo kusoo dhacday duleedka magaalada Medellin ee waqooyiga dalka Colombia.

Diyaaradan waxaa saarnaa 81 qof oo ay ku jiraan 9 shaqaalo ah iyo 72 rakaab ah. Dadka rakaabka ah ayaa u badnaa koox ciyaarta kubada Cagta oo ka tirsan horyaalka dalka Brazil. Kooxdan lagu magacaabo Chapecoense FC ayaa lagu waday inay maanta ciyaarta Final ka ah la ciyaaraan kooxda kasoo jeeda magaalada Medellin oo lagu magacaabo Atletico Nacional.

Wararkii uga danbeeyey ee laga helayo magaalada Medellin ayaa sheegaya in 9 qof nolol lagu helay, balse gurmadka degdega ah ayaa caqabado ka heystaan sidii ay ku gaari lahaayeen goobta ay diyaarada ku dhacday oo ah dhul buuraley ah.

Illaa iyo hada lama xaqiijin waxa keenay shilkan, balse waxaa la tuhunsan yahay in shilkan diyaarad ay sababeen roobab xoog badan oo ka da’ayey nawaaxiga magaalada Medellin oo diyaaradan ku socotay.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay