Wararka naga soo magaalada Bahardar ee xarunta Gobolka Axmaarada ayaa sheegaya in ay gobolkaas kajirto arimo cakiran oo laxidhiidha siyaasadaha isdiidan ee wadanka gumaysiga Itoobiya.

Sida aan xogta kuhelay kooxda TPLF ayaa go’aansatay in ay khaarajiyaan wakiilka gumaysiga ee Gobolka Axmaarada Gedu Andargachew waxayna go’aan ku gaadheen in ay xidhaan ama dilaan si ay karkaarka uwaydaariyaan.

Kooxda TPLF ayaa Gedu Andargachew ku eedaysay 12 qodob oo ay sheegeen in uu kumutaystay in laga qaado talaabo cad isla markaana karkaarka lagu waydaariyo.

Kooxda ayaa sheegtay in ninkan oo ahaa shakhsi ay uwakiisheen gumaadka shacabka Axmaarada uu kufashilmay dhamaan shaqooyinkii loo igmaday isla markaana uu joojin waayay kacdoonada gobolka Axmaarada kajira, sidoo kale TPLF ayaa ninkan ku eedaysay in uu kadambeeyay qixii balaadhnaa ee laqixiyay qoomiyada Tigreega.

Gedu Andargachew ayaa dhankiisa sheegay in ladulminayo isla markaana uu yahay nin shaqadiisa qabsaday isla markaana gobolkii uu madaxda ka ahaa la’aantii uusan waxba ka qabsoomeen.

Sidoo kale wakiilka gumaysiga ayaa sheegay in uu inta karaankiisa ah difaacay shacabka Tigreega balse ay harqiyeen dadwayne tiro badan oo cadho isgaadhay qabay, sidoo kale wakiilka gumaysiga ee Gobolka Axmaarada ayaa sheegay in uu naftiisa ucabsi qabo lana doonayo in la dilo.

Xukuumada wayaanaha ayaa caan ku ah khaarajinta dadka madaxda ah waxaana la xasuusan yahay in ay dhawaan si farsamo ah u khaarajiyeen madixii gumaysiga ee Gobolka Oromada.

Sidoo kale kooxda ayaa horaan udishay siyaasiyiin waawayn oo kasoo horjeedsaday dhaqamadooda qalafsan kuwaas oo dhamaantood lagu dilay shirqool ay kooxdu diyaarisay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay