Wararka naga soo gaadhaya wadanka Ogadenia ayaa sheegaya in cudurka daacuun calooluhu uu faro ba’an kuhayo qaybo badan oo kamid ah wadanka Ogadenia.

Warkan oo aan kahelay xarunta dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ayaa sheegaya in dagmada Qalaafe ee Gobolka Shabeelle uu cudurka shuban biyoodku kudilay in kabadan 10 qof oo shacabka Dagmada ah dad kale oo badana ay lajiifaan cudurka.

Sidoo kale Dagmada Shaygoosh ee Gobolka Qoraxay wuxuu cudurka daacuun calooluhu kudilay 3 qof oo shacab ah halka dad kale oo aad ubadana ay cudurka la il-daran yihiin.

Dhinaca kale Tuulada Galadiid ee Gobolka Qoraxay wuxuu cudurka daacuun calooluhu ku dilay tiro dad ah oo shacabka deegaanka ah halka qaar kalana ay cudurka ujiifaan.

Magaalooyinka Qabridahare, Dhagaxbuur, Jigjiga, Fiiq, Dhuxun iyo meelo kale oo badan ayuu cudurku faro ba’an kuhayaa wuxuuna cudurku dilay dad badan oo shacabka S.ogadenia kamid ah halka dad aad ubadana ay cudurka ujiifaan.

Xukuumada gumaysiga Itoobiya ayaan laga filaynin wax kaalma ah waxayna aad ugu faraxsan tahay dhibaatooyinka soo gaadhaya shacabka ree Ogadenia.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay