Madaxweynaha la dortey ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa subaxnimadii hore ee shalay arbacadii waxa uu bogiisa uu Twitterka ku leeyahay ku soo direy fariin uu uga hadlayo weerarkii ka dhacay Jaamacadda Ohio ee dalka Marayknaka, kaas oo uu gaystey wiil Soomaaliyeed oo Jaamacadda uu weeraray Ardey ka ahaa.

Trump ayaa sheegay in masuuliyadda weerarkaas ay qaadatey ISIS, kaas oo uu fuliyey Somaali qaxooti ah oo aysan ahayn in ay joogaan waddankeena Maraykanka ayuu yiri Trump fariintiisa ku sheegay.

Cartan oo ahaa wiilka fuliyey weerarka ay ku dhaawacmeen 11 qof, isaguna naftiisii ku waayey ayaa sharci ku joogey dalka Maraykanka, waxa uu ahaa ardey wanaagsan horeyna wax denbiyo ah uma gelin.

Laamaha amniga ee Maraykanka ayaa aaminsan in uu weerarkani ahaa “lone wolf” oo loo isticmaalo dadka gooni socodka ah kadibna isla hadalka dartiis iyo cadho badan oo lasoo daristay awgeed uu falkan ku talaabsaday, waxaana ardeyda Jaamacaddu sheegayaan in Cartan aanu saaxiibo lahayn.

ISIS ayaa sheegatey in ay masuul ka tahay weerarkan, mana jiro wax xidhiidh ah oo ka dhexeeya ISIS iyo wiilka la diley ee weerarka fuliyey taas oo weli laamaha amnigu ay heleen.

Donald Trump ayaa la aaminsan yahay in uu cadaawad isaga qaadey dadka Soomaalida ah, kadib markii uu horey ol-olihiisa doorashada ku weeraray kuna tilmaamey Argagixiso kuwa jooga Minasota iyo kuwa la hadhay gobolka Maine.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay