Waxaa weli jira eedo la xiriira in siyaasiyiinta ay faro-gelin ku hayaan hannaanka doorashooyinka Aqalka Hoose ee ka socda dalka Soomaaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa xalay war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in loo baahan yahay inaan faro-gelin lagu samaynin odayaasha dhaqanka.

Ra’iisul wasaaraha waxa uu si gaar ah baaqaas ugu jeediyey hay’adda nabad sugidda qaranka, taasi oo maanta beenisay inay wax faro-gelin ah ku hayso doorashooyinka.

War Qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Ra’isul wasaaraha ayaa lagu amray ciidamada Nabad suggidda Qaranka ee NISA inay faraha kala baxaan ama ay joojiyaan faragelinta ay ku haayan doorashada dadban ee ka socota Gobollada dalka Soomaaliya.

Qoraalka ayaa si toos ah ugu socday Guddiga doorashada dadban, taliyeyaasha laamaha amaanka dowladda iyo ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Somalia, Micheal Keating.

Qoraalka waxa uu ku eedeeyay Hey’adda Nabad suggidda Qaranka in 28-kii bishan ay Muqdishu ku xireen oday dhaqameed ka tirsan kuwa ka soo jeeda Gobolada Waqooyi oo ka tirsan Odayaasha 135-ka ah.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay