War deg deg ah oo hadda naga soo gaadhay magaalo madaxda Itoobiya ee Addis Ababa  ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay Dr. Merera Gudina oo ka soo laabaty safar u  ku maqnaa qaarada Yurub.

Dr Gudina oo ah gudoomiyaha ururka Oromo Federalist Congress ayaa waxa u ka  qayb galay dhagaysi ka dhacayay xarunta midowga Yurub ee Brussels.

Ujeeda dhagaysigan ayaa ahaa mid lagag hadlayay gabood falada ay taliska Woyanuhu  u gaysanayaan shucuubta kala duwan ee ay gumaysiga ku hayaan.

Dr, Gudina ayaa ah siyaasi aan gabanin  oo hadlo cad cad.

Waxaynu la soconaa in u mudo dheer u xidhanyahay taliska TPLF Xogahayihii ururka Oromo Federalist Congress Bakale Gerba oo ay  ku soo edeyeen in u ka danbeeyo kacdoonka shacbka ee ka socada Oromiya.

Kala soco ONA warkan iyo wararka kale wixii ka soo kordha

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay