Sida uu kusoo waramayo Wariyaha Wakaalada Wararka Ogadenya ee ONA, waxaa qaybo badan oo wadanka Ogadenya ah ka curtay roobkii dayrta oo xiligiisii kasoo dib dhacay.

Warkan ayaa sheegaya in gobollada Ogadenya qaarkood at dayrtu si wanaagsan uga curatay. Warku wuxuu sheegayaa in Faafan, Jarar, Shabeele, Nogob iyo Qorahay at roobab kala duwan maasheeyeen maalmihii lasoo dhaafay.

Waxaa intii mudo ah saameeyay guud ahaan wadanka Ogadenya abaaro aad u adag oo shacabka xoolo dhaqatada ah dhibaato gaar ah ugaystay. Meelo badan oo wadanka kamid ah ayay xooluhu u lee’deen biyo iyo baad la’aan badan oo ku habsatay roob la’aanta awgeed.

Dhinaca kale waxay abaaruhu saamayn wayn ku yeesheen nolosha iyo maciishada asaasiga ah ee shacabka Soomaalida Ogadenya oo intooda badan at ku xidhan tahay wax soo saarka beeraha iyo xoolaha nool. Sidoo kale maciishada shacabka magaalooyinka waawayn ee Ogadenya ku dhaqan ayay aad u saamaysay abaarta wadanka ka jirta.

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay