Xukuumada gumaysiga Itoobiya oo noqotay nin daadqaaday xumbo cuskay ayaa dhamaan shaqaalaheeda safaaradaha ku amartay in ay isugu yimaadaan xarunta Midowga Yurub si ay halkaas ugu hor mudaharaadaan.

Raysal wasaaraha maqaarsaarka ah ee xukuumada wayaanaha ayaa amarkan soosaaray kadib markii ay bateen dadka kasoo horjeeda xukuumadiisa kuwaas oo bilaabay in ay weeraraan safaaradaha Itoobiya ee wadamada dibada.

Raysal Wasaare kusheega macmilka ah ayaa horaan wadamada caalamka ugu codsaday in ay difaacaan safaaradaha Itoobiya ee wadamada dibada hadii kalana aysan difaaci doonin safaaradaha shisheeye ee kuyaalada Addis Ababa.

Amarkan kasoo baxay xukuumada wayaanaha ayaa dhamaan shaqaalaha safaaradaha Itoobiya ee wadamada Yurub kuyaala marka laga reebo safiirka faraya in ay isugu yimaadaan xarunta Midowga Yurub ee Bressuls halkaas oo ay ka hor mudaharaadi doonaan.

Arintan ayaa muujinaysa tabaryarida xukuumada wayaanaha oo wayday dadwayne u muujiya rabitaan keeda isla markaana shaqaalihii xukuumadu ay shacabka kacabanayaan.

Waa markii ugu horaysay oo dad dowlad sheeganaya ay shacabkoodii ka mudaharaadaan iyagoo dunida kacodsanaya in shacabkoodii wax lagala qabto waxayna arintaasu muujinaysaa meesha ay marayso xaalada xukuumada wayaanuhu.

Xukuumada gumaysiga Itoobiya ayaa mudo labo sano gaadhaysaba ka caagtay in ay shir kuqabtaan wadamada dibada iyadoo ay adkaatay shaqadii safaaradaha Itoobiya ee wadamada Dibadu.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay