Madaxa guddiga doorashooyinka ee dalka Gambia ayaa sheegay in Yahya Jammeh, Madaxwaynaha dalka Gambia uu qirtay in lagaga guulaystay doorashadii Khamiistii dalka ka dhacday.

 Wuxuu Madaxa Gudiga Doorashada qaranka intaas ku daray in ay ahayd wax aan la saadaalin karin in hogaamiyaha Gambia uu qirto in lagaga guulaystay doorashada ka hor shaacinta natiijooyinka rasmiga ah. Natiijada doorashadan ayaa dad badan ka yaabisay.
 Sida ay wararku sheegayaan wali Madaxwayne Yahya si toos ah ugama hadlin natiijada hordhaca ah ee tilmaamaysa in uu ka codad yaryahay Adama Barrow oo ah hogaamiyaha mucaaradka.

Murashaxan la saadaalinayo inuu ku guulaysan doono doorashada madaxwayneninada Gambiya ayaa helay 45% codadkii la dhiibtay. Yahya ayaa awooda Gambia afgambi kula wareegay sanadkii 1994-tii.

Dalkaas galbeedka Afrika kuyaalla awooda si sahlan loolama kala wareegin tan iyo markii uu xornimada helay 1965-tii. Kooxaha xuquuqda aadanaha u doodad ayaa ku eedeeyay Mr Jammeh inuu geystay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqxda aadanaha.

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay