Sheekh Xasaan ayaa yiri “Aniga mowqifkayga ku aadan wadaadadda halganka maanta dunida kasocda colka la ah ee ladagaalamaya, anigu waxaan qabaa aduunkaba in la dhaafiyo, hadda ka horna waa idiin sheegay in fitnaday ummadda ku hayaan baa kadaran.
Halkan hoose kadhegeyso codkii [audio:http://www.ogadennet.com/wp-content/uploads/2011/12/sheikh-hassan13.mp3|titles=sheikh-hassan13]

Malihi waa gaalo, Malihi dhiigoodaa banaan asaalatan, laakiin fasaadka ay halganka iyo ummadda u geysanayaan ayaa waxkastaba ka daran.
Ayagu inay muta-awiliin yihiin baa laga yaabaa oo aakhara aan lacadaabin oo aaney naarba tegin baa laga yaabaa, laakiin ta’wiilkaagu wuxuu kuu cudurdaarayaa cindallaahi Subxaanuhu watacaalaa oo wax kuu taraayaa laakiin fasaadka aad dunida geysey inuusan waxba kuu qaban baa laga yaabaa sidaa darteed meeshan oo kale waxaa layiraahdaa Alqaatalu Mujjaahid Wal maqtuulu shahiid – Kii wax dilayna waa mujaahid kan ladileyna waa shahiid – Mays qaban kartaa? waa isqaban kartaa waxaa laguu dili fasaatka hadalkaa kadhalan iyo fatwadaada ka dhalan iyo duri taanka kadhalan iyo burburka ka dhalan.

Laakiin maadaama aad muta’wil ahayd oo daliil waxaad moodey aad daliil u qaadatay oo sidanina ay kula qumanayd Illaahayana aad ugu dhowaanaysey illaahay subxaanahu watacalaa inuu kuugu cudurdaaraa laga yaabaa, laakiin sharkaagaa aduunka lagu dhaafinayaa umadda.

Sidaa darteed baa loo yidhi – alqaatil mujaahidun wal maqtuul shahiid – taas waxaa soo hoosgeli ruuxa muslimka ah oo gaalo ku dhexdhinta oo aan la ogeyn kaas isaga xaqdaraa lagu diley laakiin maanan ogeyn, sidaa darteed kii wax diley waa mujaahid kan ladileyma waa maxay? waa shahiid la’ina isagu sabab meesha kuma lahayn oo muxarib maahayn mujaahidkuna ma ogeyn mujaahidka waxba looma haysto asagana waxba looma haysto haduusan gaalada lasafnayn.
Halkan hoose kadhegeyso codkii

Idan qadiyadda halkaasaan kataagnahay in la’igu eedeeyeyna waad ogtihiin oo xataa kutub layska qoray waa lasocotaan halkii baan taagnahay wadaadaha halganka maanta dunida kasocda iyo muslimiinta iska caabinaya gaalada xagaldaacinaya oo docwareemaya Yastaxiquuna in aduunka ladhaafiyo Wabilaahi towfiiq, ayuu yiri Sheikh Xasaan.

Xigasho http://somalitalk.com/2011/12/11/xasaan/

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay