Shirkii Jaaliyada Sanca/Yemen oo guul ku dhamaday Cadaanina ugu bishaareeyey Xoriyadda
Shirkan oo ahaa shir abaabul, kala warqaadsho iyo qiimayn wax-qabadka jahliyada ayaa waxaa furay shirka gudoomiyaha jahliyada Ogadenia ee dalka Yemen Sh Ismacil Cabdi Mursal oo ka warbixiyay wax qabadka jahliyada ee sanadkan isagoo ku dhiirigaliyay dadka inay dadaalka sii laba jabaaraan. Gudoomiyaha ayaa aad ugu dheeraaday sida ay waajib ugu tahay qofkasta oo ka mid ah shacabka dulman ee S.Ogadenia inuu ka qaybqaato halganka maadaama dalkiiisa la gumaysto, dadkiisana lagu gumaadayo malain walba.
Hadalka gudoomiyaha kadib ayaa waxaa si toosa khadka tel loogu soo xidhay mudane Cabdi qaadir Hiirmooge (cadaani) oo kmaida masuuliyiinta JWXO. Mudane Cadaani ayaa warbixin aad u dheer oo qiira galisay dhamaan dadkii ka soo qaybgalay shirka u soo jeediyay, waxuuna si faah-faahsan uga warbixiyay xaalada Ogadenia guud ahaan, gaar ahaan marxaladda xasaasiga ah ee halganka xaqa ah ee shacabka Ogadenia ay ugu jiraan siday u hanan lahaayeen xoriyada. Wuxuu ugu bishaareeyay dadwaynihii shirka fadhiyay xoriyada, taasoo dareenka dadka dhaqaajisay. Wuxuu mudane Cadaani ka warbixiyay guulaha waawayn ee isdaba jooga ah ee CWXO ay kasooo hoyeen goobihii ay iskaga horyimaadeen ciidamada arxanka daran ee Wayaanaha iyo malayshiyada Hawaarin ee dhidid -dhoowrka u ah gumaysiga. Waxuu sheegya mudane Cabdiqaadir Hirmooge sida Itoobiya ugu fashilantay siyaasada arimaha dibada oy uga go’doonsantahay caalamaka iyo horumarka muuqada ee siyaasadda dibadda ay JWXO ay gaadhay.
Warbixinta mudane Cadaani oo dadkii dhagaysanayay ay aad ugu diirsadeen uguna farxeen kadib ayaa waxaa isagana ka hadlay shirka xidhidhiyaha jahliyada Yemen halgame Xuseen Maxmed Adar (gabood) oo u soo jeediyay shirka hadalo guubaabo ah isaga oo ugu hanbalyeeyay jahliyada hormarka ay gaadheen sanadka iyo dadaalka ay muujiyeen waxuuna yidhi waa in halkaas laga sii socdo dadaalkana lasii baladhiyo.
Sayid xakiim/Sanca-ONA
Comments are closed
Sorry, but you cannot leave a comment for this post.