Taariikh markay ahayd 10-12-2011 waxaa xaflad ay siwada jirah u soo wada qaban qaabiyeen Jaaliyada iyo Ururka dhalinyarada Eritrea ee Denmark lagu qabtay Caasimada Wadanka Denmark ee Copenhagen.

Xafladaas oo ahayd mid ay ku soo bandhigayeen Hidaha iyo Dhaqanka Wadanka Eritrea koox dhalinyara ah oo ayagu kasoo kicitamay wadanka Eritrea ayaa waxaa lagu marti qaaday Jaaliyado badan oo ay kamid ahayd Jaaliyada Soomaalida Ogaadeeniya iyo ururka Midowga Dhalinta iyo ardayda Ogaadeeniya ee wadanka Denmark. Waxaa kaloo kasoo qayb galay xafladaas ururo Danish ah iyo Jaaliyadaha Eritrea ee wadanka Sweden iyoNorway.

Jaaliyada Ogadeniya ee Denmark iyo Jaaliyada Eritrea ee wadanka Denmark ayaa wada shaqayn wayni ka dhaxaysaa jaaliyadda Eretria iyagoo iska kaashada cadawga shucuubta Geeska Afrika –

Waxaa kaloo martida meesha joogtay kamid ahaa Qunsulka Eritrea u fadhiya wadankani Denmark. Xafladaa oo ahayd mid ay siwada jir ah u daadihnayeen oo  aad iyo aad ay oga soo wada shaqeeyeen jaaliyada iyo ururka dhalinyarada Eritrea ee wadankani Denmark ayaa ku dhamaatay jawi aadiyo aad u wanaagsan oo raali galisay martidii ka soo qaybgashay xafladda.

ONA/Den.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay