Dhalinta Somalida Ogadeniya ayaa ah dhalin ku baraarugsan qadiyada dhulkooda, waxayna nidar ku mareen inay habeen iyo dharaar u taagnadaan sidii ay u caawin lahaayen bulshadooda kuwa tabarta yar islamar ahaantaasna  uga qaadi lahaayeen Gumeysiga. Dhalinta maanta Ogadeniya waxay u kaceen iyaga oo sisiman gudaha iyo dibadahaba dhaqdhaqaaqoodu uga muuqdo inay kaalin buuxda ka qaataan dhaqadhaaqa xoriyada dhulkooda hooyo. Taariikhda waxa lasugaa muddo dheer in la qodobeeyo balse xooga dhalintu ay ku socoto markii la miisaamo waxa ay durba mudan yihiin dhalinta somalida Ogadeniya in buugaag badan laga qoro isbadalka weyn ay dhalintu horseedeen iyaga oo la filayo inay yihiin xooga soo dadajin kara xoriyada dhulkooda hooyo.

Qormadan oo kooban waxa jecelahay inaan idin xasuusiyo Dhalinyarada ku soo barbaarta dhul Gumeysi kajiro iyo daggaalo inay ka gadisanyihiin dhalinyarada adduunka kale. Dhalinta ku hoos nool Gumeysiga. waxa saameyn weyn ku yeesha gumeysiga. Guumeysigu waxa uu dhalinta u isticmaala nidaamyo badan isaga oo baadhitaan ku sameeya dajistana qorshe uu ku dulleeyo dhalinta si aysan isaga uga hor imaan. waayo dhalintu waa xoogga ugu weyn ee gumeysiga la daggaalami kara kana adkaan kara.

Sidaas awgeed dhalinta waxa culumada arrimaha bulshada ku xeel dheer ku qiimeyeen in dhalinta gumeysiga ku hoos nool ay marto 3 qeybood. qeybta kowaad oo ah in (1) Dhalintu kulligood yihiin dulmanayaal uu gumeysigu dulmiyay (Youth as victims), inay yihiin oo kale (2) Kuwo lagu shaqeysto oo ka qeyb qaata Xasuqa dadkooda waayo waxa laga xada maskaxdooda waana lagu qasba inay ficilo xun geystaan (Youth as perpetrators), sidoo kale Dhalinta waxa kasoo baxa (3) Halyeeyo u taagan bulshadooda oo raba inay ka baxaan gumeysiga dadkooda iyo bulshadoodana xoriyad iyo nabad waarta gaadhsiiya (Youth as peace-builders).

Gumeysigu waxa uu isku daya ugu horeynba innuu cadaadiyo dhalinta isaga oo kala daggaalama waxbarashada, shaqada, adaabta. Waxa uu marka hore ku bilaaba dil, xidhay iyo cabudhin, kadibna waxa uu isku daya innuu kala soocdo oo uu ka dhex sameysto dhalinta dad uu tababarto islamar ahaantaasna adeegsado isaga oo tusaya qofkii qorshaha gumeysiga raaca innu gumeysiga shaqo ka helayo cadaadiksana laga qaadayo ama nidaam maskaxiyan ayuu kula daggaala oo laaluush iyo fusqi kale oo uu kusoo jiito ayuu isku daya.

Gumeysiga Etthiopia markii u udarasado badan sameystay waxa uu isku dayay innuu tababarto dhalinyaro uu ku shaqeysto waxuuna u furtay dhalinyarada Somalida Ogadeniya Boarding School, sida Civil Collegka. Halkaaas oo uu ku baro siyaasadisa iyo nidaamka gumeysi ee uu rabo innuu bulshada ku cadaadiyo. waqtigan dhamaan dadka ka shaqeeya waxa uu ugu yeedho gumeysigu kililka 5aad waxay kasoo baxeen Bording school ama civil college oo ah meelo aan waxbarashada caadiga ah dadku ku qaadan. Waxa lagu baraana ay tahay buugaag uu gumeysigu diyaarsaday. Dadka kasoo Baxa Boarding schoolka ma ay aminsana inay yihiin Somalida Ogadeniya, sidoo kale ma ay aminsana inay yihiin Ethiopian haddey sheegtaan xattaa waxa lagu qabsaa oo ah waxa yaabka leh oo ah in labaro inay la shaqeyaan kaliya shucuubta Tigrega, Qofka wax u qaban karana uu yahay Zenawi iyo naagtiisa kaliya.

Sidoo kale Gumeystuhu waxa uu isku dayay inuu dhalinyarada qaab kale u cadaadiyo isaga oo si qasab ah ku qorta ciidamo dhalinyaro ah oo aad u da’yar dhaqan xumo iyo faxshina lagu abaal mariyo. dhalintaas oo xasuuq badan shacabkooda u geysta loona yaqaano Hawaarin ama liyuu police.

Waxa kale oo aad arkeysa wayadan in gumeysigu iskudayo innuu shukaansado dhalinyarada kuwo gooni isu taaga ah ee aan laheyn nidaam iyo aragti dheer balse jecel halgamada socda inay qeyb ka noqdaan balse heysan tiir ay isku tagaan. Gumeysiga ayaa dhalintan u adeegsaday laaluush badan si uu jig jiga ku geysto maalin ama labana uu ku fushado howlo gumeysi. Nocyadan kore ee dhalinta ah waxa weeye dhalinyaro dulman oo gumeysigu dulmiyay isla mar ahaantana waxa ay yihiin dhalinyaro ka qeyb noqotay gumaadka gumeysiga oo dadkoodii iyo shacabkoodii ayay u geysanayaan gummaad ama waxa ay qarinayaan gumaadkii shacabkooda loo geystay iyaga oo xafiisyo aan jirin fadhiya laalushna kobtaas ku cuna.

Sidoo kale waxa Gumeysiga ka horyimaada dhalinyarada waxayna dhalinyaradu isu abaabulaan nidaam qorsheysan iyaga oo sameysta ururo marka hore si qarsoon u sameysta kadibna soo shaac bixiya. Mar haddii dhalintu hesho qorshe nidaamsan maamul isku xidhan oo hogaan leh waa ku adkaata Gumeysiga in dhalintaas uu ka hortago, haduu ka hortagona waxa uu kala kulma fadeexad iyo jab. Waayo waa dhalin heysata hadaf iyo qorshe dheer oo ay ku holwgalaan. Waa dhalin u daggaalamaysa Hooyooyinkood iyo caruurtooda. Waa dhalin ka dhiidhiday gumeysiga iyo Duliga. Waa dhalin rabta xoriyada.

Adduunkan hadda aan kor saaranahay waxa tirada dhalinyarada lagu qiyaasa

Guud ahaan Caalamka Waxa ku nool shanqeybood marka loo qeybiyo tirada guud ee dadka qeyb ayaa waxa ay noqonaysa dhalinyaro da’doodu u dhexeyso 10 – 19 jir sida ku cad tirakoobkii 2003 ee UN-ta. Tiradaas ayaa ah mid aad si korarsi ah kor ugu sii kacaysa. Erayga dhalinyaro ayaa ah mid la isku khilaafsanyahay da’da uu ku ekaan. Dad ayaa waxa ay qabaan in waxa dhalinyaro ah Qofka doobka ah illaa uu ka guursanayo. Halka kuwa kale ay qabaan in dhalinyaranimada lagu xadidi karo qaab dhaqameed iyada oo loo eegayo social status.

Si kastaba ha ahaato e, wadamada ay ka jiraan khilaafaadka waxa ku nool dhalinyarada ugu badan adduunka Sanadkii 2003 waxa la tira koobay, Matalan KOSOVO laba qeybood marka loo qaybiyo bulshada Kosovo qeyb  ayaa ah dhalinyaro ka yar 20 sano.  North Ireland 40% tirade guud ee dadku waxa weeye inta ka yar 24 sano.  Qassa tirade dadku 50% waxa weeye inta ka yar 15 sanno. Inkasta oo la heyn tirade dhabta ah ee bulshada somalida Ogadeniya waxa aan qiyyaasaya in tirada guud ee dadku saddex meelood marka loo qeybiyo in laba ay noqonayso dadka ka yar 18 sanno. Wadamadaas aan kor ku sheegnay dhamaan dadka dhaqdhaqaaqa xoogan waday waxay ahaayeen dhalinyaro rabta nabad iyo xoriyad waarta.

Hadaba Dhalinta Somalida Ogadeniya oo sameystay nidaam toosan, hal maamul, iyo hal qorshe ayaa waxay ku midoobeen ururka OYSU. Waxa ay halmaalin qaaradaha aduunka oo dhan wadankasta iyo magaalo kasta ay kawadaan hal qorshe iyo hal shaqo oo isku mid ah. Maanta hadii magalada London looga hadlayo qorshe isla saacadaas ayaa waxa looga hadlaya, denmark, Finland, Sweden, Germany, Norwey sidoo kale waxa markay soo toosaan laga fulinaya Australiya iyo America. Qorshe kaas lamid ah ayaa kasocda Danood, Qabridahare, Shilabo, Godey, Shiniile, iimey iyo dhamaan guud ahaan dhulka somalida Ogadeniya. Waa guul aan la loodin karin.

OYSU waxa ay u kacday inay dhulkooda sharftiisa iyo dadkoodaba ilaaliyaan. Waxa kale oo ay u kacday in cadowga ka ilaaliso dhalinta. Waayo dhalintu waxay u baahantahay in laga ilaaliyo Gumeysiga si uusan bulshada qudhun ugu dhex abuurin. waxa kale oo tiir u ah oo ay ku xidhanyihiin qadiyada shacabkooda ee taariikhiga ah.

Dhalinta

Dhalinyaranimadu waa marxalada ugu muhiimsan ee qofka jidhkiisa, maskaxdisa iyo dhaqankiisuba waa waqtiga uu koro. Waa waqtiga qofku uu sameysto identity islamarkaasna uu yeesho nidaam uu dhexgal kula sameeyo bulshada uu la noolyahay si uu ula dhaqmo. Waa waqtiga ay awwood u leeyhiin go’aan qaadasho iyo doorasho uu ku doorto waxa uu rabo islamarkaasna waxa suurto gal ah innuba bulshada kusoo kordhiyo wax cusub. Haddaba waqtigan uu qofkan babaarayo  maskax ahaan iyo jassad ahaanba waxa caqabad weyn ku noqda  daggaalada iyo khilaafyada ka oogan goobta uu ku barbaarayo. Sidaas awgeed Barbaartu waxa ay noqonayaan Victims of violence conflict.

Barbaartu waxa ay Qatar u noqdaan in xoog looga qaado dhalinyaranimadooda. Waxa lagu qasbaa inay ka qeyb noqdaan daggalada ka oogan dhulka ay ku nool yihiin. Iyaga oo loo qorto Askar Gumeysi.  Intooda badan waxa ay ka qaxaan goobaha ay ku barbaari lahayeen, waxay kala lumaan waalidiintood waxayna ku koraan kalinimo iyo aggaasnimo, Aggoonimiyo iyo rajaynimo. Waxayna u marraan nolol aad u qallafsan oo adag sidii ay ku kori lahayeen masuulna u noqon lahayeen.

Waxa ay barbaartu ku qasbanadaan inay lumiyaan Hankooda iyo mustaqbalkooda maadama aysan heysan awoodin nolol maalmeedkooda waxana ku dhaca dhaawac soo gaara dareenkooda iyo naftooda. Dhalinta wadamadaas vilonce conflict ka jiro waxa si dhib yar loogu addeegsada nidaamyo fool xun, sida in lagu qasbo inay noqdaan Jawaasiis, askar, iyo nidaamyo fool xun oo ay ku geystaan dulmi. Waxa kale oo dhici karta in ilmahu uu isku dayyo innuu calool xumadiisa uu isku dayyo innuu soo aar goosto islamarkaasna uu qoriga qaado kuna biro ururuada xornimo doonka.

 

Haddaba dhalinta Somalida Ogadeniya ee OYSU oo shaqo badan u taalo, waxa haddana la qarin karin guulaha ay ummadooda usoo hoyyeen ee leh inay dhalinta kulmiyaan baraan dhaqankooda, diintooda iyo dhaxalkooda oo ay Gumeysiga uga diggaan. Aniga oo qormadan dhalinyarada kaalintooda ugu hanbalyeynaya ayaa waxa hoos aan jecelahay inaan wadaagno shaqo kamid ah shaqooyinka ururada dhalinta Ogadeniya oo filim ah ee hoos ka daawo. Filimkan ayaa waxa iska leh dhalinta Ogadeniya ee USA waxana soo saaray Ilays tv.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay