Rome – Waxaa lagu qabtay magaalada Rooma ee caasumadda dalka talyaaniya, shirwaynihii 39aad qaybtiisii labaadee Xisbiga Radicalka Axsaabta badan ee dalaka kala duwan ee Loo Yaqaano Non-violent Radical Party Transparty Transnational (NRPTT) 8- 11 bishan Disembar 2011.

Xisbigan oo ka kooban axsaab badan oo dalka talyaaaniga iyo adduunka dacaladiisa ka hawl-gala wuxuu si buuxda u taageera cid walboo xaq-daro tirsanaysaa. Wuxuu gacan wayn ka gaystay xoraynta Kosovo iyo dalal badan oo manta xor ah. Waxaa shirwaynayahan ka qayb galay ergo iyo marti nsharaf kor u dhaafay illaa kun qof. Waxaa shirka lagu qabtay Hotel wayn oo ku yaala bartamaha magaalada Room oo caan ku ah shirarka caalamka. Ururkan oo la asaasay kontiomeeyadii, wuxuu ka diwaan-gasahan yahay qaramada midowga, wuxuuna gacan ka gaystay in dadyow badan oo dulman xaqooda la hor geeyo qaramada midoobay iyo fagaarayaal badan oo caalamka ah. Wuxuu ururka qayb libaax ka qaatay soo jeedinta iyo hirgalinta shurruc caalami ah oo  difaacda xuquuqul insaanka iyo hirgalinta dimuqraadiyada, cadaalada iyo nabad-galyada. Ururku wuxuu cilaaqaad la leeyahay ururada kala ah Hoyga Xoriyadda( Freedom House), Ilaalinta xuquuqul insaanka(Human Rights watch), Dhaqdhaqaaqa Federaaliyadda Caalamiga (World Federalist Movement), Falgalka caalamiga ee  xildhibaanada adduunka (Parliamentarians for Global action); Amnesty International, Isbahaysiga mashruuca Dimuqraadiyadda (Democratic Coalition action) iyo Uriurka dadyowga aan lahayn Dowlad la aqoonsan yahay( UNPO)

Shirka waxaa JWXO uga qayb-galay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee JWXO iyo Agaasimaha Guud ee Hogaanka arrimaha Dibedda ee JWXO oo matalayay dalka Somalida Ogadeniya ee Geeska Afrika ku yaala ee ay ciidamada Itoobiya xoogga ku fadhiyaan. Waxay wafdigu fiursad u heleen inay eragada iyo wufuudda u sharaxaan xaalada ay shacabka Somalida Ogadeniya ku sugan yihiin iyo dhibka uu gumaysiga Itoobiya ku hayo, iyo sida mujtamaca caalamka uu isaga indho tirayo ayadoo UNta iyo Ururada xuquuqul insaanka ay caddeeyeen inay Itoobiya gabood-fal qawaaniinta caalamka ka soo horjeedda kula kaceen shacabka aan waxba galabsan ka dib markii ay iska celin waayeen halyeeyada Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeniya ee JWXO iyo sida loogu baahan yahay in xaaladda Ogadeniya ka jirta Agendaha Caalamka loogu daro. Wafdigu wuxuu ka codsaday Xisbiga inay motionkooda ku daraan qodobo xaaladda Ogaadeniya wax lagaga qabanayo. Shirku markuu dhamaaday waxay ergadu si wada jir ah u aqbashay motion gaar ah oo Ogadenia kuseeya.

Shirka waxaa ka soo qayb galay ergooyin ka kala socotay dalalka Ogadeniya, talyaniga, Ruushka, Maraykanka, Ingiriiska, Sbaanishka, Kuuba, Venezuela, mali, Senegal, Koofurta Cameroon, Ghana, Gini, Tansania, Ugandha, Joorjiya, Congo, Koofurta afrika, Mon (Vietnam), Balochistan, East Turkestan, Koofurta azebaijan, Abkhasiya, Masar, Tunis, baxrayn, Libya, Tibet, Fransis, iyo jarmal. Wasiirka arrimaha Dibedda ee dalka Talyaniga ayaa shirka furay, waxaa kale oo ka soo qayb galay, Bernard kouchner oo horay u ahaan jioray wasiirka arrimaha Dibedda ee Dalka Faransiiska iyo Fischer oo isna ahaan jiray wasiirka arrimaha Dibedda ee dalka Jarmal.

Shirka agendayaashiisu waxay kala ahaayeen: Maalinka Kowaad Furitaanka- Khudbadda Wasiirka Arrimaha Dibedda Talyaaniga Mudane Giulio Terzi di Sant’Agata asagoo matalaya Dowladda talyaniga; Madaxweynaha Xisbiga MarKo Pannella, Xoghaya Marko Turko, Aqbalaada ajendaha; maalinka labaad wuxuu ajendahu ahaa: Xuquuqul Insaanka, Dimuqraadiyadda, iyo Xeer-ku Dhaqanka; Maalinka seddexaad: Degaanka dabiiciga, Ecological debt, Kororka xad-dhaafka ah ee Tirada dadka adduunka iyo  Dhibaatada dhaqaale iyo Siyaasadeed ee Yurub soo Foodsaartay ; Maalinka Afraad: dhammaystirka Go’aamada iyo Xidhitaanka.

Shirkan waxaa aad loogu gorfeeyay soo kororka xadgudubka Xuquuqda aadanaha iyo iska indho-tirka Shuruurcda caalamka, sidii loo mamnuuci lahaa dilka sharciyasan (death penalty), Gudniinka fircowniga ah ee Ku xad-gudbaya gabdhaha yaryar, Dhibaatada Yurub ee dhaqaale, Kacdoonkii Carabta, kororka  xad-dhaafkan ah ee tirade dadka adduunka taas oo khatar kua ahaa dhammaan uunka kale, dhulka iyo dadkaba ayadoo ay soo dhowdahay inuu dhulku qaadi deeqi waayo baahdida bani’aadmiga mar dhow.

 

Khudbaddii Wafdiga JWXO iyo Go’aamadii Shirka waxaad ka heli doontaan qormada labaad.

 

Rome/ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay