Weeraro ay qaadeen ciidanka jabhadda waddaniga  xoraynta ogaadeenya  oo lala beegsaday kuwa itoobiya ayaa waxaa qudha lagaga jaray 27 askari waxaana lagaga dhaawacay  30 kale , dagaaladan oo lagaga furtay ciidamada cadawga saanada iyo qalab ciidan  ayaa waxaad hoos ka helaysaa faahfaahinta goobaha iyo taariikhaha ay ka kala dhaceen;

6 Dec. 2011 dagaala  ka dhacay Biyo-wakhsinle oo ka tirsan  degmada Dhuxun waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 3 askari waxaana lagaga dhaawacay 5 kale

9 Dec. 2011  dagaalo ka kala dhacay deegaamada  Dardheer oo ka tirsan garbo,  Jugle iyo Iskudhoonlay oo ka tirsan qabri dahar waxaana ciidamaada cadawga lagaga dilay 9 askari waxaana lagaga dhaawacay 6 kale  

10 Dec. 2011  waxaa weeraeo lagu qaaday goobaha kala ah  Dalnabaadiino  oo ka tirsan Garbo, Waabaase iyo gorayo  oo ka tirsan Dhagaxmadaw waxaana ciidamada cadawga lagaga dilay  5 askari waxaana lagaga dhaawcay  7 kale

11 Dec. 2011  weeraro  ay Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya ku qaadeen goobaha kala ah Maandago, Muugalays, oo ka tirsan degmada Dhagaxmadaw iyo Xaamudka oo katirsan  degmada Fiiq waxaana ciidamada cadawga lagaga dilay  4 askari waxaana lagaga dhaawacay  7 kale

12 Dec. 2011 dagaal mir habeenimo ah oo ka dhacay Iskudhoonlay waxaa ciidamada cadawga lagaga dilay 6 askari waxaana lagaga dhaawacay 3 kale

Waxaa kale oo jira  dagaalo ahaa mir habeenimo oo aanana wali faahfaahin laga helin kuwaasoon idiinku soo gudbin doonaa wararka danbe.

Dhinaca kale waxaa jira dhibaatooyin kala duwan oo loo gaystay dad shacab ah, dhibaatooyinkaa oo isugu jira dil, kufsi, jidhdil iyo xadhig ayaa ka kala dhacay deegaano kala duwan waxaanad moodaa in cadawgu si xoogan uu olole ugu qaaday  dadka shacabka ah. Faafaahinta dhibaatooyinkaa loo gaystay dadka shacabka ah ayaad ka dhagaysan doontaan idaacadaha iyadoo hay’adaha caalamiga ah eek u shaqa leh arimaha xuquuqda aadanaha loo gudbin doono.

ONA.   

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay