Ciidamo hubeysan oo iskugu jira Boolis iyo kuwa sida gaarka ah loo tababaray ayaa banaanka iyo wadooyinka lasoo dhoobay dalka Kongo-Kinsasa. Waxaa wakhtigu ka dhamadey Madaxweyne Joseph Kabila, ma muuqato wax doorasho ah oo dalka laga qaban/qaabinayo, waxaana khatar weyn ku jira amniga dalka oo idil.

 Magaalo madaxda dalkaas ee Kinsansa ayaa dadku bilaabeen in ay iibsadaan wax alaale iyo wixii cunto ah oo ay u baahnaan karaan muddo dheer, waxaana ay ka cabsi qabaan in dukaamadu xidhmaan. Waregsyka The Guardian ayaa sheegaya in diyaaradaha dalka tagaya iyo kuwa kasoo baxayay maalmihii u danbeeyey waxay ahaayeen kuwo faaruq ah, sidoo kale waxaa dalka laga saarey qaar kamid ah Diblomaasiyiiinta shisheeye.

Doorashada Kongo-Kinshasa ayaa lagu wadey in ay dhacdo bishii la soo dhaafey ee November, laakiin Madaxweynaha weli xilka haya ayaa dib u dhigey doorashada, waxaana uu sabab ka dhigey cillado dhanka cod bixinta ka jirta iyo dhaqaalaha ku baxaya doorashada. Sida uu qabo sharciga dalkaas Kabila isma sharixi karo mar 3aad, laakiin Kabila ma doonayo in uu xafiiska baneeyo waana sababta keentey in uu doorashada xiligeedii ku qaban waayo.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay