Sida laga soo xigtay Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee Boqortooyada Britain ee loo soo gaabiyo DFID ayaa 1.5 milyan oo gini ugu deeqday Dawladda Soomaaliya oo lagu taageerayo Mashruucyada kaabayaasha  dhaqaalaha ee Soomaaliya.

lacagtan Boqortooyada Britain ay ku deeqday ayaa la marsiin doonaa Bangiga horumarinta Afrika, waxayna lacagtaasi ay Dowladda Soomaaliyeed ka caawin doontaa xoojinta awoodaha horumarinta iyo Maamulka kaabayaasha, sida tababar xirfadeed la siiyo dhallinyarada Soomaaliyeed.

 Madaxa Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee UK ee Soomaaliya Phil Evans ayaa sheegay in horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya ay ahmiyad sare siinayso taageeradan cusub, isagoo xusay in ay buuxin doonto baahida deeqaha caalamiga ah ee Soomaaliya, waxayna deeqdani qeyb ka tahay dadaalka dowladda UK ee xoojinta horumarka dhaqaale ee Soomaaliya.

Deeqdan waxaa kaloo looga faa’iidaysan doonaa, oo ay gacan ka geysan doonta xasiloonida Somaaliya, iyadoo diiradda lagu saari doono maal-gelin lagu sameeyo qeybaha tamarata, biyaha, nadaafadda iyo Gaadiidka dad/waynaha Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee, Lacagta ayaa qeyb ka ah heshiiska hiigsiga cusub ee Soomaaliya iyo dalalka saaxiibada la ah ee bishii September 2013-kii lagu gaaray Magaalada Brussels ee Dalka Belgium.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay