Taliska wakhtigiisii dhamaaday ee xukuumada Wayaanaha ayaa sheegay in qalalaasaha dami waayay ee wadankiisa soofood saaray ay kadambayso dowlada Masar.

Hailemariam Desaleng oo war baahinta magaalada Addis Ababa kula hadlayay ayaa sheegay in ay dowlada Masar dabada kariixayso kacdoonada mudada sanadka kabadan kasocda wadanka Itoobiya. Raysal Wasaaraha macmalka ah ee gumaysiga Itoobiya Desaleng ayaa dhowr jeer oo hore dowladaha Masar iyo Eritrea ku eedeeyay in ay minja xaabinayaan xukuumadiisa wuxuuna sheegay in ay faraha kula jiraan gudaha wadankiisa.

Dowlada Masar hadalka raysal wasaaraha maqaar saarka ah ee Itoobiya kutilmaantay wax lagu qoslo waxayna dowlada masar sheegtay in aysan shuqul kulahayn kacdoonada kasocda gudaha wadanka Itoobiya.

Hadalada isdaba jooga ah ee kasoo yeedhaya xukuumada wayaanaha ayaa u muuqda aabow ninyar igaceli oo ninwayn igu siidaa waxayna xukuumada wayaanuhu culayska ay kuhayaan jabhadaha hubaysan iyo shacabka gadoodsan usaarinaysaa dowlado aan shuqul kulahayn.

Sikastaba ha ahaatee kooxda TPLF ayaa maraysa xili adag kadib markay sinaba ku damin waayeen kacdoonada shacabka isla markaana ay lakulmeen weeraro joogta ah oo kaga imaanaya dhinaca jabhadaha hubaysan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay