Machadka cilmi baadhista ee Legatum Institute ayaa soo saaray warbixintiisii sanadlaha ahayd taas oo uu sanad kasta diirada kusaaro wadamada ugu liita dhinaca hormarka iyo cadaalada.

Machadkan oo ah mid si cilmiyaysan warbixintiisa usoo saara sanad kasta ayaa 18da wadan ee aduunka ugu liita dhinac yada kaamayaasha kudaray wadanka gumaysiga Itoobiya. Warbixinta uu soosaaray machadka Legatum Insttute ayaa lagu sheegay in uu wadanka Itoobiya kamid yahay wadamada ugu liita dhinaca Waxbarasha, Caafimaadka, Ganacsiga, Nabadgaliyada iyo dhamaan kaabayaasha lagama maarmaanka ah.

Sida warbixinta lagu xusay wadanka gumaysiga Itoobiya ayaa aad uga liita wadanka soomaaliya oo aan mudo 25 sano ah lahayn dowlad xoog leh iyo kala dambayn toona waxaana wax lalayaabay noqday in wadanka Somalia uusan kujirin 18da wadan ee ee ugu liita aduunka.

Warbixinta uu soo saaray machadka Legatum Insttute ayaa lagu sheegay in wadanka Itoobiya uu yahay wadanka ugu liita dhinaca nolosha bini’aadamka waxaana wadanka Itoobiya lasiiyaa ayaa layidhi caawimaada ugu badan ee dowlad lasiiyo.

Dhinaca kale xukuumada wayaanaha ayaa sheegata in ay kamid tahay wadamada uu dhaqaalahoodu kor usocdo isla markaana higsanaya hormarka.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay