Safiirka dowlada Maraykanka u fadhiya qaramada midoobay ayaa sheegay in loobaahan yahay in dhowr wadan oo dunida ah ay joojiyaan xad gudubyada ay kuhayaan dadkooda.

Dida ay sheegtay haweenayda wadanka Maraykanka ufadhida qaramada midoobay ayaa sheegtay in ay Itoobiya kacodsanayso in ay siidayso siyaasiyiinta iyo dadka shacabka ah ee umaxaabiisan.

Haweenayda safiirka ah ayaa sheegtay in ay xukuumada Itoobiya u xidhan yihiin siyaasiyiin caan ah oo ay kamid yihiin Dr Merera Gudina iyo Saraakiil kale oo dhamaan tood uxidhan in ay cabireen rabitaan kooda oo kaliya.

Dhinaca kale safiirka ayaa carab baabay in ay Itoobiya ku xidh xidhan yihiin kumanaan shacab ah oo intooda badan lagu hayo xabsiyo kuyaalada Ogadenia, Axmaara iyo Gobolka Oromada. Safiirka ayaa sheegay in loobaahan yahay in ay xukuumada Itoobiya ilaaliso xuquuqda insaanka oo ay siidayso dadka shacabka ah ee uxidh xidhan bilaa micno.

Dhinaca kale safiirka ayaa carab baabay dhowr wadan oo kamid ah dadka shacabkooda xasuuqa waxaysa haweenaydu carabka ku adkaysay in ay Itoobiya tahay wadanka ugu liita dhinaca xuquuqul insaanka.

sidoo kale hay’adaha udooda xuquuqul insaanka ayaa sheegay in ay kawalaacsan yihiin caafimaadka dadka ay Itoobiya aheegtay in ay siidaayeen iyo kuwa xabsiyada kuhadhayba.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay