Taliska ciidamada militariga Kenya ayaa uga digay ciidamada dowladda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM in ay saameyn ku yeeshaan siyaasada Soomaaliya.

Taliyaha guud ee ciidamada Kenya Samson Mwathethe iyo xog-hayaha difaaca  Raychelle Omamo ayaa uga digay ciidamada ka weecdaan howlahooda shaqo, iyaga oo saameyn ku yeellanaya siyaasada gudaha Soomaaliya.

Kulan dhaxmaray taliyaha iyo ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka military ee AMISOM ayaa u sheegay in looga baahan yahay oo kaliya gudashada waajibaadkooda shaqo ee ah sugida ammniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab. Samson Mwathethe, ayaa ka codsaday ciidamadda Kenya in ay ka fogaadaan ka qeyb-qaadashada arimaha siyaasada oo aan ka mid aheyn howlihii loo idmaday.

Marar badan oo hore ayaa lagu eedeeyay ciidamada Kenya ee gaar ahaan ku sugan gobollada Jubbooyinka in door ku lahaayeen dagaalo siyaasadeed oo ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Ugu danbeyntii, Kenya ayaa ciidamadeeda soo gelisay Soomaaliya sanadkii 2011 xiligaasi oo ay sheegeen in ay Al-shabaab la dagaalamayaan, hasse ahaatee waxaa ay markii danbe ku biireen howlgalka AMISOM.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay