Taariqdu markaay ahayd 25-12-2016 waxaa ka furmey shirka xubnahay Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO) ee Xarunta Gauteng gaar ahaan Xafiska Pretoria.

shirkan ayaa waxa kaso qayb galey xubnahay Johannesburg iyo Pretoria. Waxaa laguso gabagabeeyay Sanadka 2016 halka uu war bixino aad u heersareeya ay ka soo jeediyeen masuulinta Jaaliyada Soomaalida Ogaadeniya ee Koonfur Africa Qaybta Xarunta.

Shirka aya waxa furey gudoomiyaha JOKA Mudane Mohamed Daahir Halka uu kuso dhaweeyey kuxigeenka Hoganka Diinta iyo dacwada Jaaliyada Sheikh Abdi Wahaab oo soo jeediyay wacdi qiimo badan leh kuna aadan xalada Halganka Iyo waajibaadka xubnaha.

Sidoo kale Gudoomiyaha Jaaliyada Mudane Mohamed Daahir aya Warbixino qoto dheer leh oo meelo badan taabanaya xalada Jaaliyada JOKA iyo wax qabadkii inta uu hoganka soo hayey isaga iyo Masulintiisa Xarunta xog waafi ah lawadaagay.

Waxaa kale oo Warbixin kasoo jeediyey Hogaanka Arimaha Bulshada iyo Ababaulka Mudane Yussuf Islam halka uu isna ka warbixiyey xalada abaabulka ee Jaaliyada iyo qarshayasha abaabulka Buslhada Soomaalida Ogadenya ee Dagan Johannesburg Iyo Pretoria iyo dhamaan Xubnaha JOKA

Kulankan oo ahaa mid si wanaagsan loosoo maareeyay ayaa kusoo dhamaaday jawi aad u dagan oo is fahan iyo ururnimo ay ku dheehantahay.

ONA/South Africa

dsc07645 dsc07592 dsc07593 dsc07594 dsc07595 dsc07597 dsc07600 dsc07601 dsc07608 dsc07616 dsc07622 dsc07625 dsc07627 dsc07630 dsc07637 dsc07638 dsc07639 dsc07641 dsc07642 dsc07643 dsc07647

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay