Sida ay soo tabinayaan Wakaaladaha Wararka ee Soomaaliya waxaa la shaaciyey labada xildhibaan ee ugu da’da weyn aqalka sare iyo aqalka hoose ee dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo  noqonaya shir guddoonka labada aqal.

Xildhibaan Maxamad Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in shir guddoonka ay la wareegeen labada xildhibaan ee ugu da’da weyn ee baarlamaanka. Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore ayaa noqday xildhibaanka ugu da’da weyn xildhibaanada aqalka hoose, halka xildhibaan Maxamad Xuseen Raage isna uu noqday ninka ugu da’da weyn xildhibaanada aqalka sare.

Labada xildhibaan ee ugu da’da yar labada aqal oo lagu kala magacaabo Ikraan iyo Fartuun ayaa noqday ku xigeenada labada shir gudoon. Labada Xildhibaan ayaa si wada jir ah u shir guddoomin doona labada Aqal ee Baarlamaanka, kuwaasoo soo magacaabi doona guddiga doorashada.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay