Miisaaniyadda dowladdu waxay ka kooban tahay odoroska kharash ee ku baxaya fulinta hawlaha iyo mashaariicda dowladda iyo dakhliga la filayo inuu ka soo baxo ilaha kala duwan ee dhaqaalaha dalka. Miisaaniyadda Dowladdu waxaa lagu jaangooyaa baahida dalka guud ahaan, ayadoo mudnaan la siinayo gobolada iyo meelaha u baahan in wax loo qabto.  Miisaaniyadda waxaa loo qaybiyaa laba qaybood oo kala ah “Capital & Recurrent” waxayna ka yimaadaan khasnadda, dakhliga gudaha laga helo, kaalmada iyo deymaha dibadda.

Miisaaniyadda waxaa lagu jaangooyaa baahida guud ee dalka, sida arimaha iyo adeegyada aas-aasiga iyo mashaariicda horumarinta, fulinta howlaha iyo  shaqaalaha (shaqaale u dhigma in ay shaqeyaan waqti buuxa). Kadib 20 sano oo tababarro iyo kobcinta awoodda iyo tayada waxqabad oo lagu caawiyay xafiisyada heer federal iyo deegaan (kilil) waxaa la filayay in miisaaniyadda dowladda ee heer federal, kilil, degmo ama tuulo in lagu saleeyo hufnaan, baahida dhabta ah ayadoo tixgalin la siinayo deegaanada dib u dhacsan ama abaaruhu ka jiraan sida Somalida iyo Canfarta.

Sida ku cad miisaaniyadda sanad-maaliyadeedka 2008 (Tirsiga Taariikhda Itoobiya) ooy diyaariyeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha (Ministry of Finance and Economic Development) iyo Xafiiska Dakhliga iyo Maamulka Canshuuraha (Ethiopian Revenue and Customs Authority) waxaa ku qoran miisaaniyadda  dalka waxana ka mid ah miisaaniyadda guud ee federaalka, miisaaniyadda gobolada, miisaaniyadda xafiisyada heer federal iyo ilaha dhaqaale iyo meelaha ay ka imanayso miisaaniyadda sanadka, dhaqaalaha uu gobol walba soo saari karo iyo maamulka iyo maaraynta miisaaniyadda.

Kadib markaan akhriyay miisaaniyaddaa waxaa isoo jiitay arimo badan oo ku tusinaya caqli xumadda Xabashida iyo garaad la’aanta Somalida gaar ahaan Damiir-laawe Calool-Dabane Cabdi Michael (Cabdi Iley) iyo kooxdiisa muqlaysan. Soomaalidu markuu neefka xoolaha madaxa kor u qaadi waayo waxay dhahdaa “neefku wuu muqlaysan yahay” xaalka neefkaa jiran iyo kuwa isku sheega madaxda kililka waxba isma dhaamaan.

Waxyaabaha si gaar ah ii soo jiitay waxaa ka mid ah qaabka loo qaybiyay jaamacadaha dalka iyo miisaaniyadda loo qoondeeyay jaamacad walba. Maanta kama hadlayno qaabka loo qaybiyay jaamacadaha dalka ama shaqaalaha iyo ardayda jaamacad walba iyo meesha uu Kililka Somalidu kaga jiro arimaha waxbarasho iyo qaybinta miisaaniyadda jaamacadaha dalka. Arimahaa ayaan ahayn kuwo lagu farxo waxaana kuu soo bixi arimo laga naxo oo aanu sawiran karin caqliga aadamaha, markaa arinkaa qofkii kale ee isku mashquulin waa meeshisa aniguse ma doonayo inaan wakhti iskaga lumiyo.

Haddaan usoo noqdo arinka jaamacadaha iyo qoondaynta miisaaniyadda way badan yihiin xarumaha waxbarasho iyo jaamacadaha dalka ee ay dowladda federaalku gacanta ku hayso waxaana ka soo qaadanay 34 jaamacadood oo ku kala yaalla dhammaan dowlad-deegaanadda dalka waxaan ka ahayn kan Hararida waana sidan: 10 Oromia, 7 Amhara, 6 Debub (Shucuubta Koonfureed), 3 Tigray, 3 Addis Ababa, 1 Afar, 1 Somali, 1 Dire Dhabe, 1 Gambella, 1 Bani Shangul – Gumz ama hadaan far waaweyn kuugu dhigo 30 jaamacadood waxay ku yaalaan goboladda EPRDF (Tigray, Amhara, Debub & Oromia plus Addis Ababa & Dire Dhabe) meesha 4 jaamacadood ay ku yaalaan gobolada kale ee dalka, ama hadaan si kale u dhigo 20 jaamacadood Xabashida (Abyssinia plus Addis Ababa & Dire Dhabe), 10 jaamacadood Oromia & 4 jaamacadood gobolada kale ee dalka. Waxaad xusuusataa May 1991 markay TPLF qabsatay talada wadanka waxaa dalka ka jira laba jaamacadood, Addis & Asmara iyo 14 machad ama dugsi ama farsamada gacanta. 8 ka mid ah machadyadaa waxay ku yaaleen deegaano ka mid ah dhulka Oromada.

Hadaba, maxaa isbadalay ama qaabkey dowladda federaalku wax ku qaybisay? Sidee loo qoondeeyay miisaaniyadda jamacadaha dalka? Gobolka Somalidu halkuu kaga jiraa qorshaynta iyo qoondaynta jaamacadaha iyo miisaaniyadda loogu tala galay dhisidda iyo kobcinta awoodda deegaanada dalka?  Jawaabaha su’aalahaas iyo kuwo kalaba waxaad ku arki kartaa shaxdan hoose.

Region No of Universities 2008 Budget (Birr) %
1 Tigray 3 2,657,261,600 9.47
2 Afar 1 546,657,200 1.95
3 Amhara 7 5,991,753,750 21.36
4 Oromia 10 9,203,995,670 32.81
5 Somali 1 636,642,400 2.27
6 Debub 6 4,825,401,710 17.20
7 Addis Ababa 3 2,986,403,840 10.65
8 Dire Dhabe 1 548,523,800 1.96
9 Gambella 1 203,371,370 0.73
10 Banishangul-Gumz 1 449,562,990 1.60
Wadarta Guud 34 28,049,574,330 100

Source: Ministry of Finance and Economic Development Federal Govornment Budget 2008

Akhristoow si uuna arinku u noqonin sheeko aan sal iyo raad lahayn ama dacaayad rakhiis ah oo uu qof xanaaqsan iska soo qoray waxaan kaa codsanayaa inaad xidhiidh la samaysid madaxda ugu saraysa kililka ood waydiisid xogtuu xambaarsan yahay shaxdaa kor ku xusan iyo sababta ama waxa Somalida ka dhigay fadhiid ama waxa ku kalifay inay xaqooda heli waayeen? Waxaa kale ood isku daydaa inaad waydiisid nimankaa muqlaysan tirada shaqaalaha iyo ardada jaamacadda Jigjiga iyo inta Somali ah?

Waxaa jirta odhaah Somaliyed oo ah “Dibiga Dannood dhagihiisu wax fiican ayay maqlaan, indhihiisuna wax fiican ma arkaan”. marka lo’da lagu horayo ceelka Dibigu wuxuu maqlaa heesta lagu luuqeeyo marka lo’da la waraabinayo oo aad u waangsan, hase yeeshee markuu Dibigu ceelka soo gaadho, ceelku wuu go’an yahay oo wax biyo ah ugumuu tago. Macnaha odhaahdaa ayaa ah mid mug-weyn ku fadhida waxaana lagu fasiray xaaladda haysata Dibiga Dannood.

Xaalka dadka Somalida Ogadenya ayaa lamid ah xaalka Dibiga Dannood. Dadku waxay maqlaan Itoobiya oo meel walba la taagan oo ka sheegaysa inay wax wanaagsan ka qabtay Gobolka Ogadenya, inay cadaalad iyo horumar gaadhsiisay dhammaan shucuubta iyo qowmiyaadka dalka, iyo inay meel walba ka furtay jaamacad waxaas oo dhan oo ah dacaayad rakhiis ah waxaana marwalba ka horyimaada ama caqabad ku ah nuqulka qoraalada ay wax ku qorsheeyaan ama ku qaybiyaan.

Hadaba qofkii moodaya inay Itoobibya wanaag ugu maqantahayow waa sidaa adiga ayayna kuu taallaa sidaad yeeli lahayd. Xabashidu ma xishooto, iska erya Somalida mooyee wax kale oo caqli ah malaha lagamana sugayo, mana dareensano in dalka la wada leeyay iyo inay ayagu dalka madax ka yihiin, waxaase ka sii xun kuwa Somalida ah ee dadka noocaa ah daba fadhiya ee waliba wanaag ka sugaya? Ma macquul baa in  3 jaamacood loo sameeyo Tigray meesha Somalida oo ka dad badan waxyaabo badan oo mudnaan lehna ay ka jiraan ay hesho 1 jaamacad?

Kaaga sii daranee ardayda iyo macalimiinta jaamacadaa ma aha kuwo uu kililku awood ama shaqo ku leeyhay? Waxaase kaba sii xun in 10% miisaaniyada jaamacada dalka la siiyo Tigray meesha Somalida lagu magacaabay 2%. Arimahaas ma aha kuwo ku yimid qorshe la’aan ee wax soo jireen ah oo Xabashidu ka midaysan tahay weeye, waxaana lagama maarmaan ah inay umadda Somaiyed fahanto xaqiiqada ooy raadsato xaqeeda.  Waxaad xusuusnaataa inuu Damiir-laawe Calool-Dabane Cabdi Michael (Cabdi Iley) ku jiro gudiga ugu sareeya ee miisaaniyadda dalka wuxuuse shaqo ka dhigtay dilka shacabka iyo boobka xoolahooda.

 

W/Q: Hure Jeefad (jeefad1983@gmail.com)

Qoraa Madax Banaan

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay